Booliska JSL Oo Joojiyey Safarradii Dalxiiska Ee Badda Berbera Sababo Amni Awgood
March 22, 2026 - Written by maamule

Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaaciyey in la joojiyey dhammaan safarradii dalxiiska ee lagu aadi jiray badda magaalada Berbera.

Qoraal ay soo saareen, ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay la xidhiidho xaalad amni iyo badqabka bulshada, maadaama ay baddu aad u kacsan tahay, isla markaana ay dhawaan baddu liqday dad.

Sidoo kale, Booliska ayaa tilmaamay in roobab xooggan oo ka daโ€™aya deegaannada xeebaha ay sii kordhiyeen khatarta.

Sidaas darteed, waxaa si rasmi ah loo faray in aan la samayn karin wax safar ah oo lagu tagayo badda ilaa xaaladdu isbeddelayso.

Booliska JSL, ayaa ugu dambayn shacabka ka codsaday inay si buuxda ugu hoggaansamaan wargelintan, si loo ilaaliyo badbaadada naftooda iyo hantidooda.

COMMENTS