Shirkii Golaha Wasiirrada JSL: Saamaynta Dagaalka Bariga Dhexe iyo Korodhka Qiimaha Maciishadda
March 25, 2026 - Written by maamule

Fadhigii 57-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Fadhigii 57-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada waxa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen:

(๐Ÿ) ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdalle Maxamed Carab.

Wasiirku waxa uu sheegay in ammaanka guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid sugan oo xasiloon, isla markaana aanay jirin wax amni darro ah ama qalalaase nooc kasta oo uu yahayba oo ka jira dhammaan Gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida oo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa sheegay in Ciidamada Booliska iyo Hayโ€™adaha kala duwan ee amnigu ay si heer sare ah u sugeen amniga guud, xasilloonida iyo kala dambaynta bulshada, ka hor Ciidda iyo intii lagu guda jiray maalmihii farxadda Ciidul-Fitriga.

Wasiirku waxa uu bogaadiyey dadaalka iyo heeganka ay muujiyeen ciidamada, taas oo suurta gelisay in shacabka ay si nabad ah ugu dabaaldegaan munaasibadda Ciidda.

(๐Ÿ) ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi.

Wasiiru-Dawluhu waxa uu Golaha Wasiirrada uga xog warramay hab-sami-u-socodka dakhliga dalka, isaga oo tilmaamay in kasta oo ay jiraan caqabado ka dhashay xaaladaha Caalamiga ah, haddana ay Wasaaraddu ku dedaalayso ilaalinta nidaamka ururinta dakhliga iyo xasilloonida Maaliyadeed ee dalka.

Wasiiru-Dawlaha ayaa si gaar ah u iftiimiyey saamaynta ay dagaallada Bariga Dhexe ku yeesheen kor u kaca qiimaha Shidaalka iyo Maciishadda, taasi oo xidhiidh toos ah la leh Cashuuraha iyo Dakhliga ka soo xerooda Badeecadaha la soo dhoofiyo. Waxa uu xusay in ganacsiga Somaliland uu si weyn ugu xidhan yahay suuqyada Bariga Dhexe, iyada oo durba la dareemay saamaynta ay isbeddelladaasi ku leeyihiin dhaqaalaha Dalka JSL.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu ay ka shaqaynayso xeelado lagu yaraynayo khatarahaasi, isaga oo soo jeediyey in Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay ku dedaasho sahaminta iyo furista suuqyo ganacsi oo kale, si loo ballaadhiyo ilaha dakhliga, isla markaana loo yareeyo ku tiirsanaanta suuqayada Bariga Dhexe oo keliya.

Wasiiru-Dawluhu waxa uu soo jeediyey in Xukuumad ahaan laga fikiro sidii aynu u yeelan lahayn Kayd Qaran oo ah Cunto iyo Shidaal.

(๐Ÿ‘) ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ ๐ค๐š ๐ฐ๐š๐ซ-๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ฌ๐ข๐๐ข๐ข ๐›๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐ฎ ๐ฎ๐ ๐š ๐œ๐ข๐ข๐๐ž๐ž๐ง ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐‰๐’๐‹:

Wasiirradii Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee u kala baxay Gobollada dalka si ay ula ciidaan bulshada, ayaa si waafi ah uga war bixiyey qaabka ay bulshadu ugu ciideen Gobollada Dalka, iyaga oo tilmaamay in guud ahaan ay Ciiddu ku dhacday jawi nabdoon, farxad leh oo muujinaya midnimada iyo wadajirka shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirradu waxa ay sheegeen in Gobollada Dalka si weyn looga dareemayey farxadda Ciidal-Fitriga, iyaga oo Wasiirradu kulamo xog-warran ah la yeeshay maamulka Gobolka, Degmada, Wax-garadka, Cuqaasha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isla markaana bulshada ku adkeeyay ilaalinta nabadda, wadajirka ummadda iyo difaaca Qaranimada Somaliland.

Wasiirradu waxa kale oo ay tilmaameen in Hayโ€™adaha kala duwan ee Amniga Qaranku ay si hufan u sugeen amniga guud ee dalka, taas oo suurta gelisay in Shacabka JSL ay si xor ah oo kalsooni leh ugu ciidaan, iyada oo aanay jirin wax qalalaase ah oo saamayn ku yeeshay farxadda Ciidal-Fitriga bulshada.

Wasiirradu waxa ay bulshadii ay la ciideen ku bogaadiyeen sida ay u muujiyeen akhlaaq wanaag, dulqaad iyo wadajir, iyaga oo ku tilmaamay in tani ay mar kale caddeyn u tahay bisaylka bulsho ee ay Somaliland gaadhay.

(๐Ÿ’) ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‘๐จ๐จ๐›๐š๐›๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ค๐š ๐œ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š๐ฒ, ๐ฐ๐š๐ฑ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐š๐ฒ ๐ ๐š๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ž๐ž๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฌ๐š๐š๐๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐‘๐จ๐จ๐›๐š๐›๐ค๐š ๐ข๐ง๐ง๐š๐ ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐Ÿ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฅ๐ž๐ก:

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Cige Yuusuf ayaa ka war bixiyey Roobabkii dalka ka curtay, isaga oo sheegay in roobabku ay yihiin kuwo rajo wanaagsan u leh wax-soo-saarka beeraha iyo nolosha xoolaha, balse meelaha qaarkood ay ka dhasheen waxyeellooyin ay ka mid yihiin fatahaado iyo burbur soo gaadhay dhul-beereedka. Wasiirku waxa uu si guud Golaha ula wadaagay xaddiga roobka ah ee ka da’ay Gobollada dalka, in kasta oo ay jiraan degaanno aanu weli roobku ka da’in.

Wasiirku waxa uu bulshada uga digay khataraha xilli roobaadka, isaga oo ku booriyey in la sameeyo taxaddir dheeraad ah, gaar ahaan in laga fogaado dooxyada iyo meelaha ay biyuhu maraan.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu tilmaamay in roobabka guga ee la filayo ay yihiin kuwo yididiilo wacan leh muhiim-na u ah horumarinta beeraha, isaga oo ku dhiirrigeliyey beeralayda in ay ka faaโ€™iidaystaan fursaddan, isla markaana ay qaataan farsamooyin xagga biyo-qabatinka ah si loo kordhiyo wax-soo-saarka beeraha.

(๐Ÿ“) ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฌ๐š๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐จ๐๐ก๐ค๐š ๐ช๐ข๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐’๐ก๐ข๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐œ๐ข๐ข๐ฌ๐ก๐š๐๐๐š:

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey saamaynta uu dagaalka Bariga Dhexe ku yeeshay nolosha guud ee bulshada JSL, gaar ahaan dhinacyada kor u kaca qiimaha shidaalka iyo maciishadda oo si toos ah u saameeyey nolol-maalmeedka bulshada.

Wasiirku waxa uu xusay in arrintani ay tahay mid ka dhalatay xaalado Caalami ah oo ka baxsan awoodda gudaha, balse ay lagama maarmaan tahay in Xukuumad iyo Ganacsataba si wadajir ah looga hortago saamaynteeda.

Wasiirku waxa uu Golaha u soo bandhigay tallaabooyinka ay Xukuumaddu qaaday, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1. Kormeer joogto ah oo lagu sameeyo suuqyada si loo xakameeyo sicir-bararka.

2. La socodka iyo dejinta qiimaha iibka Shidaalka.

3. Wadahadal iyo iskaashi lala yeeshay Ganacsatada si loo ilaaliyo xasilloonida suuqyada.

Ugu dambayn, Wasiirku waxa uu farriin u diray ganacsatada dalka, isaga oo ugu baaqay in ay muujiyaan masuuliyad Qaran, isla markaana ay ka fogaadaan kordhin aan macquul ahayn oo ku yimaadda qiimaha Shidaalka iyo Maciishadda, si loo ilaaliyo danta guud iyo awoodda wax iibsiga ee bulshada JSL.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡,

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),

๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

COMMENTS