Tuugo Mindiyo Ku Hubeysan Oo Lagu Qabtay Hargeysa Kadib Howlgal Lagu Soo Ceshaday Mobile-yo La Xaday
March 27, 2026 - Written by maamule

Dhacdadan waxaa soo bandhigay Cabdirashiid Foore oo ku nool Hargeysa. Waxa uu sheegay in nin laga furtay mobile isagoo mindi lagu hanjabay, balse iyaga ay ku guuleysteen inay soo celiyaan mobile-kii iyo mindidii subaxnimadii kadib salaaddii Subax.

Qofkii iska lahaa iPhone-kaas waxaa laga codsaday inuu tago saldhigga dhexe ee Hargeysa, halkaas oo lagu geeyay alaabta iyo eedeysanayaasha.

Foore wuxuu intaas ku daray in markii hore ay u gurmadeen nin naafo ah oo tuugo ka qaateen mobile Samsung ah. Markii ay dabagaleen tuugada, waxaa ka soo daatay iPhone ay dad kale ka dhaceen, kaas oo sidoo kale hadda yaalla saldhigga dhexe.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay inay tuugada la socdeen ilaa Dooxa weyn ee Hargeysa, balse ay si nabad ah ugu gudbiyeen sharciga iyagoo aan waxyeello loo geysan. Mid ka mid ah dadkii mobile-ka laga dhacay, oo lagu magacaabo Carafaat, ayaa dib u helay telefoonkiisa, wuxuuna muujiyay farxad.

COMMENTS