Diyaarad muhiim u ahayd hawlgallada ciidamada cirka Maraykanka oo la burburiyay
March 29, 2026 - Written by maamule

Sida ay muujinayaan sawirro la xaqiijiyay, mid ka mid ah diyaaradaha taliska ciidamada cirka ee Maraykanka ayaa la sheegay in lagu burburiyay saldhig ciidan oo ku yaalla Sacuudi Carabiya.

Diyaaraddan oo ah Boeing E-3 AWACS, ayaa loo adeegsadaa nidaamka digniinta iyo xakamaynta hawada (Airborne Warning and Control System). Sida ay sheegtay shirkadda Boeing, waxaa si gaar ah loogu gartaa saxanka radaarka ee wareegsan ee ku rakiban dusha sare ee diyaaradda.

Radarkan ayaa awood u siinaya in ay ogaato oo ay daba-gasho bartilmaameedyo fog, isla markaa na bixiso digniin hore oo ku saabsan khataraha iman kara inta lagu jiro hawlgallada militari.

Sida ku xusan bogga Ciidanka Cirka ee Maraykanka (USAF), diyaaraddan waxay bixisaa xog muhiim ah oo ay taliyeyaasha hawlgallada cirka u adeegsadaan si ay u helaan una ilaashadaan xakamaynta dagaalka hawada.

Noocii ugu horreeyay ee diyaaraddan ayaa la howlgeliyay sannadkii 1977, waxaana la filayaa in ay sii shaqeyso ilaa 2035. Ilaa hadda, qiyaastii 15 diyaaradood ayaa weli ku jira adeegga Ciidanka Cirka ee Maraykanka.
BBC Verify, ayaa xaqiijisay sawirrada muujinaya burburka diyaaradda.

COMMENTS