Madaxweyne Mustafe Oo Si Adag Uga Warceliyey Dhaliilo Ku saabsan ka fogaanshaha Soomaalinimada
March 31, 2026 - Written by maamule
Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Muftafe Cagjar, ayaa si adag uga jawaabay eedeymo ku saabsan ka fogaanshaha Soomaalinimada, isagoo caddeeyay in Soomaalinimadu aanay ahayn wax laga tanaasuli karo. Wuxuu sheegay in shacabka deegaanka ay weligood ahaan doonaan Soomaali, isla markaa na xuquuqdooda siyaasadeed ay ku raadsanayaan Itoobiya iyagoo ah muwaadiniin, balse aan laga doonayn in ay ka tanaasulaan aqoonsigooda.
Sidoo kale wuxuu xusay in xilliyadii hore laga gudbay, isagoo tilmaamay in hadda la hirgelinayo nidaam federaal ah oo xaq ah, isla markaana aanay jiri doonin cadaadis lagu diidayo Soomaalinimada iyo Islaanimada.
Qoraalka uu madaxweynuhu ka baahiyey barkiisa Facebook, ayaa u dhignaa sidan: “Shalay, Maanta iyo Bariba waxaan nahay Soomaali. Dhiig iyo lafo kaliya maaha ee dheecaan iyo dhididba waxaan nahay Soomaali. In aan xuquuqahanaga siyaasadeed ku dhex raadsano dalka Itoobiya anagoo ah muwaadiniin kuma xidhnaan karto shuruud ah in kolka hore aan meel iska dhigno Soomaalinimadda.
Ma jirto Itoobiya qowmiyad la leeyahay ma sheegan kartid magaca qowmiyadda aad tahay. Waxaa markaa la yaab leh in isla kooxihii Xukuumadii dad-qalatada aheyd ee naga horeeysay ku amray sida kale waad isu kaaya ekeeysiiseen oo waan idin aaminay ee laakiin calankiinana kaanaga u yar ekeeysiiya oo midab jaale ah ku dara, ay wali la muraara-dilaacsan yihiin sideed noo shabihi waydeen oo aad ugu madax banaanaateen inaad ku dhiirataan inaad astaamo aanaan raali ka ahayn samaysataan, isuguna yeedhaan magacyo anagu aanaan jecleeyn. Waxay mooggan yihiin in shacabka Deegaanka Soomaalidu uu ka gudbay xiliyadii ay horjoogaha ka ahaayeen kuwo ka carara shacabkooda, taariikhdooda, diintooda, halgamaayadooda, iyo astaamahooda.
Xukuumadda dalka maanta ka arimisa iyo Xisbiga taladda haya ee Barwaaqo waxaa ka goโan hirgalinta nidaam federaal dhab ah. Waana laga gudbay xiliyadii shacabka Deegaanka Soomaalida lagu handadi jiray waxaad tihiin argagixiso iyo gooni-goosad. Kuwa wali ku fikiraya in far-fiiqyo noocaas ah loogu habran ama looga carari Soomaalinimadda iyo Islaanimaduna laf ayay toobin ku hayaan. Wabillaahi Tawfiiq.”