Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Oo U Ambabaxay Awdal iyo Selel Si Xal looga Gaadho Colaadda Jirta
April 1, 2026 - Written by maamule

Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu baxay gobollada Awdal iyo Selel, iyagoo maanta gaadhay magaalada Boorama.

Safarkan ayaa la xidhiira dadaallo lagu doonayo in xal lagaga gaadho colaadda ka taagan gobolladaas, waxaana la tilmaamay in uu yahay hordhac muhiim u ah nabadeynta iyo dejinta xaaladda.

Weftiga Madaxweyne kuxigeenka waxaa ku wehelinaya masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland.

COMMENTS