10 Waddan ee Afrika ugu Lacagta Adag bisha Maarso 2026 Ee ina Dhaaftay
April 1, 2026 - Written by maamule

​Lacag adag, waxay dhaqaalaha dalalka Afrika u leedahay faa’iidooyin dhowr ah, oo ay ka mid yihiin ganacsiga, maalgashiga, iyo xasilloonida dhaqaalaha guud. Marka lacagta dalku ay adkaato marka loo eego lacagaha waaweyn ee caalamka, waxay inta badan muujisaa kalsoonida maalgashadayaasha, maamul dhaqaale oo hufan, iyo awoodda looga gabban karo dhibaatooyinka dibadda ka yimaada.

​Qodobbadaas waxay kor u qaadi karaan heerka dhaqaale ee dalku ku leeyahay gudaha Afrika iyo caalamkaba.

​Faa’iidooyinka Lacagta Adag:

​Hoos u dhaca Qiimaha Wax soo Dejinta: Mid ka mid ah faa’iidooyinka ugu cadcad waa awoodda wax looga soo dhoofsan karo dibadda qiimo jaban. Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa si weyn ugu tiirsan soo dejinta agabyada muhiimka ah sida shidaalka la sifeeyay, mashiinnada warshadaha, daawooyinka, iyo cuntada.

​Yareynta Sicir-bararka: Marka lacagta dalku adag tahay, waxaa yaraada kharashka lagu soo iibsado badeecadaha caalamiga ah, taas oo ka qeyb qaadata hoos u dhaca sicirbararka iyo fududeynta nolosha dadka caadiga ah.

​Soo Jiidashada Maalgashiga: Maalgashadayaasha shisheeye waxay inta badan ka cabsadaan meelaha lacagtoodu ay aadka u isbedbeddesho ama ay qiimo dhacdo. Lacag xasilloon oo adag waxay abuurtaa jawi maaliyadeed oo la saadaalin karo, taas oo dhiirigelisa maalgashiga tooska ah ee shisheeye (FDI).

​Kalsoonida Siyaasadda Maaliyadda: Waxqabadka wanaagsan ee lacagta dalku wuxuu muujiyaa siyaasad lacageed oo waxgal ah, kororka dakhliga dhoofinta, ama kaydka lacagaha qalaad oo weyn.

​Tusaalaha Nigeria:

​Nigeria ayaa tusaale dhow u ah sida xasilloonida lacagtu u saamayso aragtida xoogga dhaqaalaha. Horaantii bishii Maarso, lacagta Naira waxay ku xasilloonayd qiyaastii ₦1,377 halkii doollarka Mareykanka ah suuqa rasmiga ah, marka la barbardhigo isbedbeddelkii badnaa ee dhacay sannadihii 2024 iyo 2025. Xasilloonidaas, xataa hadday tahay mid ku meel gaadh ah, waxay gacan ka geysataa dib u soo celinta kalsoonida maalgashadayaasha iyo suuqa.

Waa kuwan 10ka waddan ee Afrika ugu lacagta adag marka loo eego doollarka Mareykanka (USD) bishii Maarso 2026:

Rank Waddanka Qiimaha (halkii 1 USD)

1. Tunisia 2.93 Tunisian Dinar

2. Libya 6.38 Libyan Dinar

3. Morocco 9.34 Moroccan Dirham

4. Ghana 10.95 Ghanaian Cedi

5. Botswana 13.78 Botswanan Pula

6. Seychelles 14.35 Seychellois Rupee

7. Eritrea 15.00 Eritrean Nakfa

8. South Africa 17.09 South African Rand

9. Swaziland 17.16 Swazi Lilangeni

10. Lesotho 17.17

Fiiro gaar ah:

​Tunisia ayaa weli ah dalka ugu lacagta adag qaaradda Afrika, taas oo muujinaysa xasilooni dhinaca ganacsiga dibadda ah.

​Libya inkasta oo ay caqabado siyaasadeed jiraan, haddana nidaamka ay lacagta u xidheen (peg) ayaa ka dhigaya mid qiimaheedu sarreeyo.

​Eritrea waxay isticmaashaa nidaam go’an (fixed rate) oo aan isbeddelin, taas oo ka dhigaysa mid si macmal ah ugu jirta liiska sare.

Xigasho:​ Forbes iyo Business Insider Africa.

COMMENTS