Wareysi gaar ah oo uu siiyay wakaaladda wararka ee ENA, kuxigeenka agaasimaha guud ee ICS, Gosa Demissie, ayaa sheegay in hindisahani uu qayb ka yahay qorshaha ballaashan ee dibuhabaynta dhaqaalaha dawladda, kaas oo ujeedkiisu yahay in la abuuro jawi soo jiidasho leh oo loogu talagalay Maalgashiga Tooska ah ee Shisheeye (FDI).
Wuxuu xusay in hay’addu ay ku jirtay isbeddello hay’adeed oo adag si hawlaheeda loo la jaanqaado heerarka caalamiga ah iyo baahiyaha tignoolajiyada casriga ah.
Qodobbada ugu muhiimsan ee Golden Visa:
Xasillooni Muddo Dheer ah: Fiisahan waxaa loogu talagalay in maalgashadayaasha saameynta sare leh la siiyo xasillooni ay dalka ku degganaadaan ku na shaqaystaan, iyadoo laga yareeyay caqabadaha xafiisyada (bureaucracy).
Tartanka Caalamiga ah: Gosa, ayaa tilmaamay in dalal badan ay bixiyaan barnaamijyo deganaansho oo u dhexeeya 5 ilaa 10 sano, Itoobiyana ay soo kordhisay qaabkeeda u gaarka ah si ay u tartan u la gasho soo jiidashada maalgashadayaasha tayada leh.
Fiisaha Maalkuguurtada ah (Property Visa): Maadaama Itoobiya ay u furtay qaybta guryaha iyo dhulka (real estate) dadka ajaanibta ah, waxaa sidoo kale la soo kordhin doonaa fiiso 5 sano ah oo loogu talagalay shakhsiyaadka iyo qoysaska iibsanaya hantida maalkuguurtada ah ee dalka gudihiisa.
Fududeynta Adeegga: Golden Visa, wuxuu si weyn u yarayn doonaa wakhtiga hawsha lagu qabanayo, wuxuu meesha ka saari doonaa nidaamyada soo laalaabta, wuxuuna horumarin doonaa dakhliga dawladda.
Socdaalka Garoonka: Maalgashadayaasha ayaa ka faa’iidi doona nidaam socdaal oo degdeg ah (streamlined) marka ay ka soo degayaan ama ka baxayaan Garoonka Caalamiga ah ee Bole, taas oo u fududaynaysa safarkooda.
Gosa Demissie, ayaa carrabka ku adkeeyay in ujeedada guud ay tahay in Itoobiya ay noqoto meesha ugu horreysa ee maalgashiga loogu soo raadsado Afrika. “Waxaan nahay adeeg bixiyayaal iyo xal u helayaal dhibaatooyinka,” ayuu yidhi, isagoo xaqiijiyay inay ka go’an tahay fududeynta maalgashiga.
Dadaalladan tignoolajiyada ee ICS, ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah hagaajinta fiisaha lagu qaato garoonka (visa-on-arrival) iyo bixinta baasaboorka si loo xalliyo dibudhacyadii hore u jiray.