Madaxweynaha ayaa ugu horrayn uga mahadnaqay ganacsatada ka soo qaybgalka kulanka, isagoo xusay in ujeeddadu tahay is-xogwaraysi iyo wada-tashi u dhexeeya xukuumadda iyo ganacsatada si looga arrinsado xaaladaha dhaqaale ee soo kordhay loogana soo saaro talo qaran oo loo dhan yahay.
Waxa uu si faahfaahsan uga hadlay culayska sicir-bararku ku hayo bulshada, isaga oo tilmaamay in isbeddellada suuqyada caalamiga ahi si toos ah u saameeyeen dhaqaalaha Somaliland. Waxa uu ganacsatada ugu baaqay inay muujiyaan masuuliyad qaran, isla markaana ay door muuqda ka qaataan xasillinta suuqyada iyo ilaalinta awoodda wax iibsiga ee muwaadiniinta.
Ganacsatada waaweyn ee dalka ayaa iyaguna si furan uga hadlay caqabadaha ay la kulmaan, iyagoo xusay in korodhka qiimaha shidaalka, kharashaadka gaadiidka, caymiska soo dhoofinta iyo isbeddellada suuqyada Bariga Dhexe ay si weyn u saameeyeen ganacsigooda. Waxay sheegeen in arrimahaasi si toos ah u kordhiyeen qiimaha badeecooyinka, balse ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan xukuumadda si loo helo xal loo dhan yahay oo ilaalinaya danta guud.
Ganacsatada JSL waxay sidoo kale Madaxweynaha u caddeeyeen in aanay jirin cabsi laga qabo shidaalka iyo raashinka, iyagoo sheegay inay mudnaan siinayaan kordhinta kaydka raashinka iyo shidaalka.
Waxay soo jeediyeen in la xoojiyo wada-shaqaynta xukuumadda iyo ganacsatada, in la dejiyo siyaasad cad oo lagu xakameeyo sicir-bararka, iyo in la sahmiyo suuqyo ganacsi oo cusub si loo yareeyo ku tiirsanaanta suuqyada Bariga Dhexe.
Wasiirrada Ganacsiga iyo Maaliyadda oo kulanka ka hadlay ayaa iftiimiyey muhiimadda xal-u-helidda xaaladaha taagan iyo dejinta qorshe qaran oo lagaga hortagi karo saamaynta dagaalka Bariga Dhexe ee ganacsiga iyo dhaqaalaha.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad guud oo ah in xukuumadda iyo ganacsatadu si wadajir ah uga shaqeeyaan yareynta sicir-bararka iyo ilaalinta xasilloonida suuqyada, waxaana laga soo saaray qodobbadan:
1. In la yeesho wada-shaqayn joogto ah oo u dhexaysa xukuumadda iyo ganacsatada.
2. In la dhiso guddi farsamo oo wadajir ah.
3. In la kobciyo wax-soo-saarka gudaha iyo warshadaha.
4. In la sameeyo kayd qaran oo raashin iyo shidaal ah.
5. In la dejiyo qorshe lagu xasilinayo sarrifka shillinka Somaliland.
6. In la sahmiyo suuqyo ganacsi oo kale oo ka baxsan Bariga Dhexe.
7. In dibu-eegis lagu sameeyo nidaamka cashuuraha marka ay dhacaan xaalado noocan ah, si loo taageero ganacsatada.