Madaxweyne Cirro oo La Kulmay Ganacsato Australian ah oo Danaynaya Khayraadka Macdanta Somaliland
April 1, 2026 - Written by maamule

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada JSL ku qaabilay Ganacsato ka soo jeeda dalka Australia oo iyagu danaynaya maalgashiga khayraadka Macdanta JSL.

Sida uu sheegay Xuseen Aadan Cige (Deyr), Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, is-xog-waraysi ka dib, madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu ganacsatada reer Australia u sheegay in albaabada Somaliland ay u furan yihiin Maalgashiga Caalamiga ah. Qaranka JSL uu yahay mid madaxbannaan, la isku hallayn karo oo leh shuruuc iyo xeerar adag oo si daah-furan loogu maamulo ganacsiga iyo maalgashiga Caalamiga ah.

Wasiirka Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Siciid Maxamed Buraale ayaa isaguna si diirran u soo dhawaysay ganacsatada reer Australia, isaga oo xusay in ay ka Wasaarad ahaan diyaar u yihiin abuurista jawi maalgashi oo furan, hufan oo dhiirrigelinaya Maalgashiga Caalamiga ah, si loo xoojiyo koboca dhaqaalaha dalka, loona abuuro fursado maalgashi oo faaโ€™iido u leh labada dhinacba.

Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Taiwan, Danjire Maxamuud Aadan Jaamac Galaal oo kulanka qayb ka ahaa ayaa sheegay in uu muddo badan ku hawlanaa sidii ay weftigani u iman lahaayeen dalka Somaliland, isaga oo xusay in arrintani ay qayb ka tahay istaraatiijiyadda guud ee Xukuumadda ee lagu soo jiidanayo maalgashi shisheeye, laguna horumarinayo ka faaโ€™iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

COMMENTS