Google oo Dib u Saxday Khariiradda: Somaliland oo Xuduudaheeda Dib u Heshay
April 2, 2026 - Written by maamule

Somaliland ayaa mar kale muujisay dadaalkeeda ku aaddan ilaalinta jiritaankeeda iyo xuduudaheeda, kadib markii shirkadda caalamiga ah ee Google ay dib ugu soo celisay khariiradeeda xuduudaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland ilaa Yoocada ee duleedka Garoowe.

Arrintan ayaa timid kadib dadaallo iyo wadahadallo socday bilihii la soo dhaafay, xilli horey khariiradda looga saaray ama wax laga beddelay xuduudahaasi, taasoo dhalisay falcelin ballaadhan.

Dib u soo celinta xuduudahan waxay muujinaysaa saameynta iyo dadaalka ay Somaliland ku leedahay ilaalinta aqoonsigeeda dhuleed, inkastoo weli ay taagan tahay doodda caalamiga ah ee ku saabsan xaaladdeeda.

Guushan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo dhinaca muuqaalka iyo matalaadda caalamiga ah, gaar ahaan dhinaca tiknoolajiyadda iyo khariiradaha dijitaalka ah.

COMMENTS