Wiil 18 Jir ah oo ku Geeriyooday Dhaam ku yaalla Togwajaale
April 5, 2026 - Written by maamule

Alle naxariistii Janno ha ka waraabiyee, waxaa geeriyooday marxuum Suhayb Xuseen Daauud, oo daโ€™diisu ahayd 18 sano, kaddib markii uu ku qaraqmay dhaam uu ku dabaalanayay.

Falkan murugada leh ayaa ka dhacay daanta Itoobiya ee degmada Tog-Wajaale, gaar ahaan tuulada Maxamed Cali.

Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta Wajaale, oo adeegsanaya xirfaddooda samatabixin, ayaa maydka marxuumka ka soo saaray balliga, kadibna ku wareejiyay laanta dambibaadhista.

Waxaa bulshada lagu wargelinayaa in xilligan roobaadka laga fogaado balliyada, dhaamamka, laagaha iyo dooxyada, si looga hortago shilalka noocan oo kale ah.

Haddii aad u baahato gurmad degdeg ah ama aad la kulanto dab, fadlan la soo xidhiidh Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta Somaliland adigoo wacaya 990, oo ka shaqeeya shirkadaha Telesom, Somtel iyo Soltelco.

GLN

COMMENTS