Ducadii La Aqbalay: Aabihii Beerta Tunka Ku Qodayay Oo Helay Cagaf Weyn
April 8, 2026 - Written by maamule

Waxaa ka soo yeedhay erayo miisan culus oo qalbiga taabanaya: “Caadilow Allahayow, Adaan kuu calaacaliye… ciidan Awliyaad iyo Adaan caawin kaa sugiye.”

Macallinkaas Qur’aanka ah Ilaahay wuu u aqbalay ducadiisii. Maanta, gargaarkii uu Alle ka baryay wuu soo gaadhay—wuxuuna helay wax ka weyn intii uu filayay.

Wasiirka Beeraha DDS, oo ay weheliyaan masuuliyiin heer deegaan iyo heer gobol ah, ayaa si rasmi ah cagaf weyn ugu wareejiyay Axmed Xaashi Ibraahin, aabihii tunkiisa ku qodayay beerta.

Wasiirka ayaa sidoo kale si gaar ah u booqday aabahan, isaga oo muujiyay dhiirrigelin iyo ixtiraam. Tani waa tallaabo kor u qaadaysa kalsoonida bulshada, ku na dhiirrigelinaysa dadka in ay u jeestaan horumarinta beeraha.

Intaa waxaa dheer, aabaha waxaa la gaadhsiiyay lacago dhan 250,000, taas oo sii xoojinaysa taageerada loo fidiyay. Voss TV

COMMENTS