Iiraan Oo Sii Deysay Laba Muwaadin Oo Faransiis ah Oo Basaasnimo U Xidhnaa In Ka Badan 3 Sano
April 10, 2026 - Written by maamule

Laba muwaadin Faransiis ah oo laga sii daayay Iran, ayaa dib ugu laabtay dalkooda kadib in ka badan 3 sano oo ay xabsi ku jireen.

Cรฉcile Kohler (41 jir) iyo Jacques Paris (72 jir) ayaa Arbacadii dib ugu soo laabtay Faransiiska, kaddib wadahadallo diblomaasiyadeed oo socday toddobaadyo. Labadan qof ayaa markii hore lagu xidhay Iran sanadkii 2022, iyadoo lagu eedeeyay basaasnimo.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay qasriga Elysee ee Paris, isaga oo sheegay in sii deyntoodu ay tahay guul diblomaasiyadeed oo weyn.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in sii deyntooda ay ka dambeysay dadaallo dheer oo ay ku lug lahaayeen wadahadallo iyo dhexdhexaadin uu sameeyay dalka Cumaan. Inkastoo Iran ay sheegtay in uu jiro is-weydaarsi maxaabiis, Faransiisku arrintaas wuu diiday.

Labadan muwaadin ayaa sheegay in xabsiga Evin ee Iran uu ahaa mid aad u adag, iyagoo tilmaamay in ay la kulmeen cabsi iyo cadaadis joogto ah intii ay xabsiga ku jireen.

COMMENTS