Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Oo Dadaal Nabadeed Ka Bilaabay Deegaannada Xeebaha Awdal iyo Selel
April 20, 2026 - Written by maamule

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa safar shaqo oo muhiim ah ku tegay deegaannada xeebaha ee gobollada Awdal iyo Selel, isaga oo hoggaaminaya wefti heer sare ah. Safarkan ayaa xambaarsan ujeeddo cad oo ah xoojinta nabadda iyo daminta khilaafaadkii ka dhex aloosnaa beelaha walaalaha ah ee deegaannadaasi.

Weftiga uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka waxa ka mid ah masuuliyiin sar-sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdalle Maxamed Carab “Sandheere”, Wasiir ku-xigeenka Dastuurka, Guddoomiyaha Gobolka Selel, saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qaranka iyo booliska.

Ujeeddada safarkan ayaa si weyn ugu qotonta hirgelinta nabad waarta, iyada oo sidoo kale la hubinayo fulinta amarkii xukuumadda ee ahaa in la mamnuuco hubka sharci darrada ah—amar si muuqata uga hirgalay deegaannada la booqday.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa kulan dheer oo wax-ku-ool ah la qaatay Odayaasha iyo Wax-garadka deegaanka Geerisa, halkaas oo si qoto dheer looga wada hadlay doorka bulshada ee nabadaynta. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya xukuumadda iyo bulshada si loo sugo amni iyo xasillooni waarta.

Odayaasha iyo Wax-garadka deegaanka Geerisa ayaa si cad u muujiyey diyaar garowgooda ku aaddan qaadashada nabadda, iyaga oo ballan qaaday inay garab istaagi doonaan dadaallada xukuumadda ee lagu adkaynayo nabadda iyo wada noolaanshaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cabdalle Maxamed Carab “Sandheere”, ayaa kulanka ka jeediyey hadal miisaan culus leh, isaga oo dib u milicsaday marxaladihii kala duwanaa ee loo soo maray xal u helidda colaadaha, kuna boorriyey bulshada inay ka faa’iidaystaan fursadda nabadeed ee la helay.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa dhankiisa uga mahadceliyey bulshada deegaanka sida ay u soo dhaweeyeen nabadda, isaga oo ku dhiirrigeliyey inay noqdaan hormuudka nabadaynta, isla markaana ay xoojiyaan midnimada, is-afgaradka iyo xasilloonida.

Waxa uu si gaar ah ugu baaqay Cuqaasha, Wax-garadka iyo Odayaasha inay qaataan doorkooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin bulshada, maadaama ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu gaadhi karo xal nabadeed oo waara.

Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka ayaa xaqiijiyey in xukuumaddu si hagar la’aan ah uga go’an tahay joojinta dhiigga daadanaya, iyo dhismaha nabad iyo wada noolaansho rasmi ah oo dhex mara beelaha walaalaha ah ee ku dhaqan gobollada Awdal iyo Selel.
Warka kulanka waxa soo tebiyey: Xuseen Aadan Cige (Deyr), Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

COMMENTS