Cunto Sun ah oo Lagu Laayey 18 Yey Gudaha Beerta Qaranka Talyaaniga – Khatar Cusub oo Ku Wajahan Deegaanka iyo Duurjoogta
April 24, 2026 - Written by maamule
Waxaa la tuhunsan yahay in sun loo adeegsaday dhimashada 18 yey (wolves) oo ku dhintay muddo maalmo gudahood ah beerta qaran ee ku fidsan saddex gobol oo badhtamaha Talyaaniga ah. Ka dib markii todobaadkii hore la helay maydadka 10 yey, waxaa mar kale la helay 8 kale maalmo dhowaan ah kadib markii la kordhiyey kormeerka gudaha Beerta Qaranka ee Abruzzo, Lazio, iyo Molise.
Maamulka beerta ayaa sheegay in raadad sun lagu qariyey cunto (bait) laga helay meel ay ku dhinteen shan ka mid ah yeyda, halka dhimashooyinka cusub ee meelo kale laga helayna ay keeneen “tuhun aad u xooggan” oo ku saabsan sun kale oo la isticmaalay.
Maamulka ayaa sheegay inay baadhayaan sababta dhimashada isla markaana ay la shaqeynayaan xeer-ilaaliyeyaasha maxalliga ah.
Tuhunkii hore ee beerta ayaa u muuqda in lagu xaqiijiyey baadhitaanno ay sameeyeen hay’adda caafimaadka xoolaha ee deegaanka (IZS).
13 ka mid ah yeyda dhimatay ayaa loo qaaday xarunta Teramo, halkaas oo laga helay “raad kiimikooyin beeraha loo isticmaalo oo lagu daray cunto sun ah oo xoolaha lagu dilo.”
Arrintan oo muujinaysa culayska qaran ee ay leedahay, Wasiirka Deegaanka Talyaaniga, Gilberto Pichetto Fratin, ayaa cambaareeyay dilalkan isagoo ku tilmaamay “mid aad u xun oo halis ah”, wuxuuna sheegay in ilaalinta yeydu ay “lama huraan u tahay isudheellitirka nidaamka deegaanka.”
Hay’adda Ilaalinta Deegaanka Talyaaniga (Ispra) ayaa ka digtay in dilka yeyda, oo la rumeysan yahay in sun lagu dilay, uu halis gelinayo horumarka laga gaadhay ilaalinta xayawaanka iyo badbaadintooda.
Waxay sidoo kale sheegtay in cuntada sunta leh ay khatar dhab ah ku tahay noocyo kale oo duurjoog ah oo la ilaaliyo, xoolaha guriga, iyo ammaanka dadweynaha.
Tirada yeyda Yurub ayaa si weyn u koradhay sanadihii u dambeeyey, iyadoo Midowga Yurub uu sheegay in tiradoodu korodhay 35%, oo gaadhay 23,000 intii u dhexeysay 2016 ilaa 2023, gaar ahaan badhtamaha Yurub iyo dhulka buuraha Alpine.
Talyaaniga gudaheeda, tirada yeyda ayaa lagu qiyaasay qiyaastii 3,300, sida lagu sheegay tirakoobkii 2020–2021 ee Ispra. Korodhkaasi wuxuu sidoo kale sababay in ay bataan weerarrada lagu qaado xoolaha, taasoo keentay in Midowga Yurub uu hoos u dhigo heerka ilaalinta yeyda laga bilaabo “aad loo ilaaliyo” ilaa “la ilaaliyo.”
Xogta ugu dambeysay ee Midowga Yurub waxay muujinaysaa in yeydu ay dilaan qiyaastii 65,500 xoolo sanadkii.
Isbeddelkan ayaa oggolaanaya in laga bilaabo 2026 Talyaaniga lagu dilo si xadidan ilaa 160 yey sanadkii, balse ururrada deegaanka ayaa dalbaday in dib loo eego go’aankan kadib dhacdooyinka sunta la tuhunsan yahay.
Madaxa ururka deegaanka ee Legambiente, Stefano Ciafani, ayaa ku tilmaamay dhimashada 18-ka yey “weerar aan hore loo arag oo lagu qaaday duurjoogta la ilaaliyo” iyo “caddaalad gacanta lagu sameystay.”
Wuxuu ka digay in xayawaanno kale ay halis galaan, oo ay ku jiraan orso bunni ah oo Marsican ah, oo aad u dabargo’ halis ugu jira isla markaana astaan u ah beerta Abruzzo. Waxaa hadhsan ku dhawaad 50 orso Marsican ah. Xigasho: BBC