Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Farriin Muhiim ah U Diray Jaaliyadaha Somaliland
April 26, 2026 - Written by maamule

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal, ayaa ugu baaqay dhammaan Jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan dalalka caalamku inay sannadkan si midaysan u muuneeyaan munaasibadaha ay ugu dabaal degayaan xuska maalinta qaran ee 18-ka May.

Warsaxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda, isla markaana nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa lagu sheegay in sannadkan xuska 18-ka May uu leeyahay muhiimad gaar ah, kana duwan yahay sannadihii hore maadaama uu dalku helay aqoonsi caalami ah.

Wasiirka ayaa tilmaamay in qaranka Somaliland uu sannadkan gaadhay guulo waaweyn oo dhinaca caalamka ah, kuwaas oo la xidhiidha himilooyinkii mudada dheer ummadda Somaliland u taagnaayeen tan iyo dib ula soo noqoshadii madax-bannaanida dalka 18-kii May 1991-kii.

Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal, ayaa xusay in muddadii soddonka sano ka badnayd ee uu dalkani jiray, ay shacabkiisi dadaal badan geliyeen dhismaha dawladnimada, nabadgelyada, dimuqraadiyad iyo horumarka dhinacyada badan leh ee aynu ku talaabsanay, taasina ay horseedday in Somaliland hesho sumcad iyo taageero sii kordhaysa oo ay ka kasbatay beesha caalamka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa si gaar ah u bogaadiyey kaalinta muuqata ee ay qurba-joogta Somaliland ku leeyihiin horumarka iyo guulaha dalku gaadhay, isaga oo sheegay in jaaliyaduhu laf-dhabar u yihiin xidhiidhka dibadda, maalgashiga, taageerada bulshada iyo kor u qaadista magaca Somaliland.

Sidoo kale wasiirku, wuxuu ugu baaqay Jaaliyadaha Somaliland ee dunida dacalladeeda ku nooli inay sanadkan qabtaan iyagoo isku duuban munaasibado waaweyn oo middaysan, kuwaas oo muujinaya midnimada shacabka Somaliland, taageerada ay la garab taagan yihiin dalkooda iyo sida ay ugu heelan yihiin qaranimadooda.

Wasiirku waxa kale oo uu ku dhiirrigeliyey jaaliyadaha inay munaasibadahaas uga faaโ€™iidaystaan sidii ay fariinta Somaliland ugu gudbin lahaayeen madaxda iyo dawladaha ay ku nool yihiin, isla markaana ay tusaan horumarka wax-ku-oolka ah ee Somaliland ka gaadhay dhinacyada nabadda, dimuqraadiyadda, maamulka wanaagsan iyo dhismaha qaranka.

Ugu dambayn, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa shacabka iyo jaaliyadaha dibadda ugu hambalyeeyey munaasibadda 18-ka May, isaga oo ku booriyey inay maalintaas ka dhigaan mid si weyn loo xuso, looguna muujiyo jacaylka qaranimada iyo midnimada shacabka Somaliland. SOLNA

COMMENTS