Nin Ku Xadgudbi jiray Xayawaanka iyo Xoolaha Oo La Xukumay
May 5, 2026 - Written by maamule

Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, ayaa Cabdikariim Cali Cismaan ku xukuntay 6 bilood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 3,000,000 (saddex milyan) Shilin Somaliland ah. Ninkan ayaa dhawaan ay Ciidamada Boolisku gacanta ku soo dhigeen, iyadoo maxkamaddu ku heshay dambiga lagu soo oogay.

Ninkan ayaa hore isaga duubi jiray muuqaallo uu baraha bulshada ku baahin jiray, kuwaas oo xambaarsan xadgudub iyo tacaddi ka dhan ah xayawaanka. Muuqaalladan ayaa muujinayay falal aad u fool xun oo ka baxsan baniโ€™aadantinimada, isaga oo xayawaanka u la dhaqmaya si arxan-darro ah.

COMMENTS