Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Oo Qaabilay Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar Oo Shalay Dalka Dib Ugu Soo Laabtay
May 7, 2026 - Written by maamule

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa hoygiisa magaalada Hargeysa ku qaabilay Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar oo shalay dib ugu soo laabtay dalka.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa Suldaanka si diirran u soo dhaweeyey, isaga oo xusay in Somaliland tahay dal ku dhisan wada hadal, is-qancin, isku tanaasul iyo midnimo shacabka ka dhexaysa.

Kulanka waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Guddoomiyaha Guddida Nabadda iyo Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada.

Dhankiisa, Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Ku-xigeenka iyo masuuliyiinta kale soo dhawaynta iyo qadarinยญta loo muujiyey, isaga oo sidoo kale bogaadiyey dadaallada Xukuumaddu ku bixinayso sugidda amniga, horumarka iyo xasilloonida dalka.

Soo tebintii: Xuseen Aadan Cige (Deyr), Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

COMMENTS