Trump Oo Si Cadho Leh U la Xisaabtamay Wasiirkiisa Gaashaandhigga Kadib Go’aan Laga Yaabay
May 23, 2026 - Written by maamule

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa si weyn uga cadhooday wasiirka gaashaandhigga Pete Hegseth, kadib markii la hakiyay qorshe lagu geynayay ciidamo Mareykan ah dalka Poland.

Sida uu qoray wargeyska The Wall Street Journal, Trump ayaa si toos ah telefoon ugu wacay Hegseth si uu uga wareysto sababta dib loogu dhigay dirista 4000 askari oo hore loo qorsheeyay in ay tagaan Poland.

Trump ayaa si cad ugu sheegay wasiirkiisa in “Mareykanku aanu si xun u la dhaqmi karin Poland,” isagoo xusay in Poland ay tahay xulafo muhiim ah oo Mareykanka la leh Yurub iyo NATO.

Go’aanka dib loogu dhigayay ciidanka, ayaa la sheegay in uu yaab ku noqday saraakiil badan oo Pentagon-ka ka tirsan, iyadoo qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda ay sheegeen in aanay arrintaas filayn.

Kadib wada hadalka dhexmaray Trump iyo Hegseth, Aqalka Cad ayaa beddelay mowqifkiisii hore. Trump ayaa markii dambe ku dhawaaqay in Mareykanku Poland u diri doono 5000 askari oo dheeraad ah.

Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social ku sheegay in go’aanka,asi uu qeyb ka yahay xidhiidhka dhow ee ka dhexeeya Poland iyo madaxweynaha dalkaasi Karol Nawrocki oo uu taageeray.

Arrintan ayaa imanaysa xilli Mareykanku uu horey u go’aamiyay in uu kumannaan askari kala baxo dalka Jarmalka, iyadoo weli ay taagan tahay xiisadda ka dhex aloosan Ruushka iyo Ukraine.

COMMENTS