Madaxweynaha Somaliland Oo Furay Shirweynaha 10aad Ee Garsoorka Heer Qaran
June 28, 2026 - Written by maamule

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynaha 10-aad ee Garsoorka Heer Qaran, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay garsoor madax-bannaan, hufan oo ku dhisan caddaalad.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in garsoorku yahay tiirka lagu ilaaliyo sharciga, xuquuqda muwaadiniinta iyo jiritaanka dawladnimo, isagoo xusay in Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay si buuxda uga goโ€™an tahay xoojinta madaxbannaanida garsoorka, ilaalinta kala madax-bannaanida saddexda dhadhaar ee dawladda iyo dhismaha hannaan caddaaladeed oo daah-furan, dhexdhexaad ah, isla markaana muwaadin kasta u dammaanad qaadaya caddaalad aan eex lahayn.

“Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad waxaa si buuxda uga goโ€™an xoojinta madaxbannaanida Garsoorka iyo dhismaha hannaan caddaaladeed oo daah-furan, dhexdhexaad ah, isla markaana muwaadin kasta u dammaanad qaadaya caddaalad aan eex lahayn,” ayuu yidhi madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Madaxweynuhu waxa uu rajo ka muujiyey in shirweynahani noqdo madal lagu falanqeeyo caqabadaha horyaalla garsoorka laguna dejiyo qorsheyaal wax ku ool ah oo kor loogu qaadayo tayada iyo hufnaanta hayโ€™adaha garsoorka.

COMMENTS