Shirka Hagidda Mashruuca Maamulka Dhulka iyo Biyaha oo Lagu Qabtay Hargeysa
July 21, 2026 - Written by maamule

Shirka Guddida Sare ee Hagidda Mashruuca Hagaajinta Maamulka Dhulka iyo Biyaha ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, iyadoo diiradda lagu saaray dardargelinta fulinta mashruuca, xoojinta iskaashiga hay’adaha ay khusayso, iyo horumarinta maamulka dhulka iyo biyaha.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda Somaliland, Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Aadan Geeddi Qayaad, iyo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Xannaanada Xoolaha, Cumar Shucayb Maxamed. Waxa kale oo goob-joog ka ahaa maamulka fulinta mashruuca iyo la-taliyeyaal ka socday wasaaradaha ay khusayso.

Shirka ayaa lagu lafaguray sidii loo horumarin lahaa maamulka waara ee dhulka iyo biyaha si loo taageero ilaalinta deegaanka, sugnaanta cuntada, ka hortagga nabaad-guurka, iyo maaraynta khayraadka biyaha.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in mashruucani door muhiim ah ka qaadan doono uruurinta biyaha roobka, dib-u-buuxinta biyaha dhulka hoostiisa mara, iyo kor u qaadista adkaysiga bulshada ee saamaynta isbeddelka cimilada.

COMMENTS