Ciidanka Ammaanka Puntland oo Hawlgal ka Fuliyey Deegaanka Laag
July 21, 2026 - Written by maamule

Ciidanka Ammaanka Puntland ayaa sheegay inay hawlgal amni oo qorshaysnaa ka fuliyeen deegaanka Laag, kaas oo lagu bartilmaameedsaday koox hubaysan oo lagu eedeeyey inay muddooyinkii u dambeeyey ku hawlanayd falal amni-darro iyo qalqal-gelinta deegaannada Puntland.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidamada, hawlgalkan ayaa lagu soo qabtay gaadiid ciidan, hub noocyo kala duwan leh iyo tiro maxaabiis ah.

Ciidanku waxa kale oo ay sheegeen in hawlgallo dheeraad ah ay weli ka socdaan deegaanka, kuwaas oo lagu baadi-goobayo xubnihii ka baxsaday hawlgalka.

Mas’uuliyiinta amniga ayaan weli faahfaahin ka bixin tirada rasmiga ah ee maxaabiista la qabtay ama khasaaraha ka dhashay hawlgalka.

COMMENTS