Xukuumadda Somaliland oo Meel Marisay Xeerka Maxjarrada si Loo Xoojiyo Dhoofka Xoolaha
July 22, 2026 - Written by maamule
Fadhigii 69-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa waxa lagaga wada hadlay qodobbada soo socda:
๐. ๐๐จ๐จ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ฑ๐ฃ๐๐ซ๐ซ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dood qoto dheer ka yeeshay Muhiimadda Istaraatiijiga ah ee Xeerka Maxjarrada Dalka, iyaga oo adkeeyey doorka uu ku leeyahay ilaalinta Caafimaadka iyo Fayo-qabka Xoolaha, tayaynta nidaamka dhoofka xoolaha, u hoggaansanaanta Halbeegyada Caafimaadka ee Caalamiga ah, iyo xoojinta sumcadda xoolaha Somaliland ee suuqyada caalamka. Goluhu waxa uu xusay in Xeerkani uu laf-dhabar u yahay kobcinta dhaqaalaha Qaranka iyo joogtaynta kalsoonida ay suuqyada caalamku ay ku qabaan xoolaha Somaliland. Dood dheer kaddib, Golaha Wasiirradu waxa ay cod gacan-taag ah ku ansixiyeen Xeerka Maxjarrada Dalka, iyada oo aanay jirin cid diidday ama ka aamustay.
๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka JSL, Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey xaaladda guud ee amniga dalka, isaga oo sheegay in amniga dalku uu yahay mid sugan, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama xasillooni darro ah oo ka jirta gobollada dalka. Waxa uu xusay in Hay’adaha Amnigu sii wadaan dedaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida Qaranka JSL.
๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐
๐ฎ๐ซ๐ข๐ญ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐ฎ๐ฆ๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐๐ข๐ข๐๐ค๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐๐ก๐๐๐๐:
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL, Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab) ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey habraacyada cusub ee ay Wasaarradiisu dejisay ee lagu nidaaminayo adeegsiga Summadda Aqoonsiga Gaadiidka Dawladda (GT), isaga oo xusay in aan la oggolayn in Gaadiidka laga furo Summadda Aqoonsiga (plate number) uu baabuur kasta gaarka u leeyahay, laguna xidho Sumadda ay leeyihiin Gaadiidka Shicibku (private plate number). Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Habraacyadan ujeeddadoodu tahay in la xoojiyo amniga iyo bedqabka Gaadiidka Dawladda, korna loo qaado hufnaanta adeegsiga Gaadiidka Dawladda, si loo xaqiijiyo in Gaadiidka Dawladda si masuuliyad leh loogu adeegsado gudashada waajibaadka Qaranka, maadaama uu yahay hanti Qaran oo u baahan ilaalin iyo maamul sugan.
๐. ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐
๐๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐-๐๐๐ ๐๐ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐๐:
Gabagabadii fadhiga 69-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu adkeeyey in nabadda, wadajirka iyo midnimada Qaranku ay yihiin mudnaanta koowaad ee Xukuumadda. Madaxweynuhu waxa uu xusay in Gobolka Sool uu yahay gobol ka mid ah Jamhuuriyadda Somaliland, bulshada reer Soolna ay yihiin walaalo reer Somaliland ah, isaga oo ku baaqay in lagu soo dhaweeyo gacmo furan, tabasho kasta oo jirtana lagu xalliyo wada hadal, is-afgarad, walaaltinimo iyo isku duubni Qaran.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ), ๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
COMMENTS
|
-
Waa Maxay Wax Tarka Malabku ? WQ: Abshir Maxamuud Maxamed
Malabka taariikh ahaan waxaa la sheegaa in la isticmaali jiray muddo 3000 (saddex kun) oo sano Nabi...
Tuesday, May 5, 2026
-
TALO DOORASHO – Qalinka: Muuse Jaambiir
Mar kale; Somaliland doorasho muddaysneyd ayaa waqtigeedii dib uga dhacaysa. Mar kale sii jirista g...
Monday, April 6, 2026
-
Macasalaamaynta Mooge iyo Dhacdooyinka Uu Ka Tegay !WQ: Rabiile Cabdillaahi Jaamac
Markii uu xilka Maayarnimo ee caasimadda Hargeysa qabtay Maayor Cabdikariim Axmed Mooge, waxa uu la...
Monday, March 30, 2026
-
Xakamaynta Dhibka Abaaraha iyo Daadka is-xiga! WQ: Foodcadde Cawil
Maareyn Joogto ah, ma aha Gurmadka Kumeel gaadhk ahiโDalkeennu wuxuu muddo dheer ku jiray xaalad ...
Monday, March 30, 2026
-
๐๐๐๐๐๐ baa la inoo dhigay an ku ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐. WQ: Maxamed Cali Bile
Wixii ku soo maray cashar ayaa laga bartaa si aanay mar labaad kuugu dhicin. 12 sanadood ka hor aya...
Tuesday, December 23, 2025
-
Yaa daaha dabadiisa ka murmaya? Qore: Dr-Abdulqani Hussein Beder
Maqaalkani waxa uu jihaynayaa hab dhaqanka waalidka ee fahamka ilmihiisa iyo fahamka macallinka ee ...
Thursday, October 23, 2025
-
“๐๐ช๐จ๐จ๐ง ๐๐’๐๐๐ง๐ข ๐๐๐ ๐๐๐ญ๐ข๐ข๐ง ๐๐’๐๐๐ง” ๐๐๐ก๐๐ฃ๐ ๐๐: ๐๐๐ญ๐๐ข๐๐ ๐๐ช๐ช๐จ๐ช๐ ๐ฝ๐๐๐๐๐๐๐ ๐ฝ๐๐๐๐.
"๐๐ช๐จ๐จ๐ง ๐๐'๐๐๐ง๐ข ๐๐๐ ๐๐๐ญ๐ข๐ข๐ง ๐๐'๐...
Thursday, October 9, 2025
-
Deeqsigii Degmada Xaaxi ee Hashii keliya ee uu lahaa u qalay Wasiirrada Somaliland!
Tuulada Xaaxi oo hoos tagta Gobolka Daad-madheedh ee Ood-weyne ayaa dadka halkaas ku nool oo ah dad...
Monday, November 9, 2020
-
Doorka Goleyaasha Deegaanka ee Abuurista Adeeg Bulsho oo Hufan. WQ: Axmed Nuur Muuse
Hordhac:
Jamhuuriyadda Somaliland (JSL) waa dalka qudha ee ku yaalla Geeska Afrika ee ay doorash...
Friday, November 6, 2020
-
WAHSIGA. WQ: Ciise Maxamuud Geelle (Ciise Waddani)
Anas Ibnu Malik Waxa uu Nabiga kasoo maqlay s.c.w ducadan:- "Allow waxan kaa magan galay walwalka/w...
Sunday, November 1, 2020
-
Maxaa Ka Khaldan Injineerada Dhismaha Mise Qandaraasleyaasha Kham-khama? WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Markii iigu horaysay waxaan bookhday laba dhisme oo waaweyn oo dhawaan loo dhisay laba hayโ...
Monday, October 12, 2020
-
Cibaadada fekerka/fikirka. WQ: Ciise Waddani
โWaa kuwa ilaahay xusaya iyagoo taagan, iyagoo fadhiya, iyo iyagoo jiifa, kana fekeraya abuuridda...
Tuesday, July 21, 2020
-
Baryadda Alle. Qalinkii: Hal-abuur Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
โRabbigiin wuxu idin leeyahay I barya waan idinka aqbaliye, kuwa iska weyneynaya cibaadadeyda wax...
Monday, February 24, 2020
-
Mareykan iyo Iiraan: Laba Abeeso Oo dhiiggayga Jaqaayey, Maanta Ma Is Cunayaan? WQ: Dr. Abdulqani Hussein Badder
Labadii u heshiiyey burburinta muslimka sunniga ah, labadii
Ciraaq, dilay ee deldelay Saddaam Xusee...
Thursday, February 6, 2020
-
Fahanka Wakhtiga iyo fariinta waayaha. WQ: Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
Muddada jiritaanka jidhka basharka iyo nagaanshaha ruuxdu xilliga uu gaadho ayaa laba siyood u muuq...
Thursday, January 23, 2020
-
Guushu Waa Garashada Iyo Garowshiiyaha| Sicirbararka iyo Qiima dhaca Shilinka| WQ: Dr. Cabdiqani Beder
Sababta ugu weyn ee qiima dhaca shilinka Soomaaliland loo xakamayn kari laโyahay waa fahamka gurr...
Tuesday, January 14, 2020
-
Waxa uu goโaansaday in uu is dilo! WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen “Beder”
"Waxa aan ku daalay noloshii, ixtiraamna kuma haysto halkan, cid i daryeeshana ma haysto, sidaa awg...
Tuesday, January 14, 2020
-
Qorshaynta Mustaqbalka fog. WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen Muxammed (Beder)
Qofka Muslimka ahi waa qof aragti dheer oo ogaanshihiisu
ka tallowsan yahay waxa muuqda.
Culuumt...
Friday, December 20, 2019
-
Sidee loo dhisi karaa Somaliland la wada leeyahay? WQ: Mustafe Ismail Bulaale (Mustafe Dawlad)
โNinku yidhi sinaan mayno
adna buri sarayntiisa
sedka waad wadaagtaane
ma sagaashan baa ...
Friday, December 20, 2019
-
Hadallada Nacaybku Miyay Ka Mid Yihiin Xorriyadda Hadalka. WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Qodobka 32-aad ee dastuurka JSL wuxuu u dhigan yahay in Muwaadin kasta uu xor u yahay in uu rayigii...
Sunday, November 10, 2019
-
Xabag-Barsheed: Xiddiga Diiwaannada Laga Qoray Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. WQ: Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
Waxa 28kii Feb 2019ka gacantayda soo galay Diiwaanka Xabag-Barsheed: Miisaanka Maansada S...
Wednesday, April 10, 2019
-
Af Soomaaliga: Marxaladda Maanta Iyo Jiritaankiisa Mustaqbalka. WQ: Khaalid Bulshaawi
Marxalado kala duwan iyo dadaalo is Xigay oo muddo dheer
soo socday Ugu danbayn sanadkii 1972 kii a...
Thursday, February 14, 2019
-
Adiga Ayaan Kuu Shaqeeyaa! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Hadda
ayuu kasoo galay shaqo iyo shirar qaatay saacado dhawr ah, oo uu la galay qaar
ka mid ah Goli...
Thursday, February 14, 2019
-
Balaayo Loo Baahan Yahay! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Maalin wanaagsan, muddo kooban oo laba bilood ku siman 04-Dec โ 04- Feb ayaan halkan (Facebook) k...
Tuesday, February 5, 2019
-
Abwaan Dheeg iyo Buugga “Dhaxal Abwaan”. WQ: Faysal Jaamac
Weedho
ugu danbayn lahaa aan soo horreysiiyo: โTaariikh-suugaaneedka Abwaan Dheeg waa
daaqad ...
Sunday, January 13, 2019
More Wararka
|