Dowladda iyo Madax-dhaqameedka Gabiley Oo Iska Kaashanaya Xoojinta Amniga Gobolka
August 22, 2026 - Written by maamule

Xoojinta nabadgelyada, ilaalinta xasilloonida iyo ka hortagga falalka amniga khalkhal gelin kara ayaa lagaga wada hadlay kulan ballaadhan oo dhexmaray Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL iyo madaxdhaqameedka gobolka Gabiley.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), oo socdaal shaqo ku jooga Gobolka Gabiley, ayaa madax-dhaqameedka kala hadlay sidii loo sii adkayn lahaa iskaashiga dowladda iyo bulshada.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyey ilaalinta nabadda, xoojinta wadajirka bulshada iyo sidii si wadajir ah looga hortagi lahaa wax kasta oo halis gelin kara amniga iyo xasilloonida gobolka.

Wasiiru-dawlaha waxaa kulanka ku wehelinayey masuuliyiinta maamullada Gobolka Gabiley iyo degmada.

COMMENTS