Degmada Sheekh Oo Loo Diyaarinayo Wareejinta Maamulka 10 Dugsi
August 22, 2026 - Written by maamule

Hargeysa – Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL iyo Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, ayaa dardargelinaya dhammaystirka habraaca maamulka 10 dugsi loogu wareejinayo Degmada Sheekh.

Goโ€™aankan ayaa ka dambeeyey kulan lagu soo bandhigay natiijada qiimayn lagu sameeyey awoodda maamul iyo maaliyadeed ee degmada, xaaladda dugsiyada iyo heerka ay Sheekh diyaarka ugu tahay inay si hufan oo masuuliyad leh u maamusho adeegyada waxbarashada.

Kulanka oo lagu qabtay xafiiska Wasiirka Waxbarashada waxaa ka qaybgalay wasiirrada labada wasaaradood, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dawladaha Hoose, agaasime-waaxeedyo iyo xubnaha guddiga qiimaynta.

Dood iyo falanqayn kaddib, waxaa lagu heshiiyey in la dhammaystiro hawlaha ka hadhay hannaanka, si loo sii ambaqaado wareejinta maamulka dugsiyada, iyadoo la raacayo siyaasadaha maamul-daadejinta waxbarashada aasaasiga ah.

Qorshahan ayaa ujeeddadiisu tahay in maamulka adeegyada waxbarashada lagu soo dhaweeyo degmooyinka iyo bulshada, lana xoojiyo isla-xisaabtanka, hufnaanta iyo tayada waxbarashada.

COMMENTS