Ciidanka Dab-demiska Somaliland Oo Badbaadiyey Afar Neef Oo Geel ah
August 22, 2026 - Written by maamule

Hargeysa – Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta Somaliland ayaa iyagoo nool ka soo saaray afar neef oo geel ah oo ku dhacay bullaacad ku taalla xaafadda 150-ka ee degmada 26-ka Juun.

Geela ayaa saacado badan ku dhex dhibaataysnaa bullaacadda ka hor inta aan ciidanku ku guulaysan samatabixintiisa.

Ciidanka Dabdemiska ayaa sheegay inay maalmihii u dambeeyey soo badanayeen xoolaha ku dhacaya bullaacadaha, godadka musqulaha iyo godadka kale ee dhaadheer. Waxa uu dadka xoolaha ku dhaqda hareeraha magaalooyinka ugu baaqay inay si dhow ula socdaan xoolahooda, kana ilaaliyaan goobaha khatarta ah.

Xaaladaha degdegga ah waxaa lagala xidhiidhi karaa Ciidanka Dab-demiska lambarka 990.

COMMENTS