Hargeysa: 450 Kiish Oo Raashin Dhacay ah Oo La Gubay Kaddib Xukun Maxkamadeed
August 22, 2026 - Written by maamule

Hargeysa – 450 kiish oo raashin dhacay ah ayaa maanta la gubay, kaddib markii maxkamaddu xukun ku ridday dadkii lagu helay inay ka ganacsanayeen raashinkaasi.

Raashinkan ayaa hore loo qabtay, waxaana burburintiisa loo maray habraac sharci ah.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu ilaalinayo caafimaadka iyo badbaadada bulshada, loogana hortagayo in suuqyada la soo geliyo raashin dhacay ama aan ku habboonayn isticmaalka.

COMMENTS