Booliska Federaalka Itoobiya oo kaashanaya Interpol iyo Booliska Malawi ayaa gacanta ku dhigay tahriibiye halis ah
August 25, 2026 - Written by maamule

Booliska Federaalka Itoobiya oo kaashanaya Interpol iyo Booliska Malawi, ayaa dalka Malawi ku soo qabtay Adnew Bashaw Wudamo, oo lagu tilmaamay tahriibiye halis ah. Eedeysanaha, oo lagu tuhunsan yahay inuu falal bani’aadannimada ka baxsan kula kacay dhallinyaro badan oo Itoobiyaan ah, ayaa dib loogu soo celiyey dalka si sharciga loo la tiigsado.

Boolisku wuxuu sheegay in caddaymo isugu jira markhaatiyo iyo dukumentiyo lagu xaqiijiyey in eedeysanuhu, isaga iyo dad kale oo la shaqaynayey, dhallinyaro badan si sharcidarro ah ugu tahriibin jireen dalka Koonfur Afrika. Dhibbanayaasha badankoodu waxay ka soo jeedeen Deegaanka Badhtamaha Itoobiya, gaar ahaan aagagga Hadiya iyo Kembata. Waxaa lagu khiyaanayn jiray ballanqaadyo been ah oo sheegaya in noloshoodu hagaagi doonto.

Faylka baadhitaanka ayaa muujinaya in eedeysanuhu qof kasta oo safarka gelaya ka qaadi jiray lacag u dhexeysa 600,000 ilaa 800,000 oo Birr. Inta ay weli Itoobiya joogeen ayuu qofkiiba horudhac ahaan uga qaadan jiray 100,000 oo Birr ama ka badan.

Boolisku wuxuu sheegay in dadka la sii marin jiray Moyale, kaddibna la gelin jiray Kenya. Halkaas waxaa si qarsoodi ah loogu hayn jiray kaynta Ganbo, iyadoo 24-kii saacadoodba mar la siin jiray bariis yar iyo rooti yar. Waxaa lagu hayn jiray gaajo iyo harraad daran, waxaana lagu khasbi jiray inay saxaraha Seelo uga gudbaan lug iyo gaadiidba.

Markii tiro badan oo dhibbanayaasha ka mid ah si sharci-darro ah loo geeyey Nairobi, waxaa loola dhaqmay si arxan-darro ah. Waxaa dhammaantood lagu ciriirin jiray hal qol, dabadeedna waxaa lagu khasbi jiray inay qoysaskooda wacaan oo ay ka codsadaan lacag dheeraad ah.

Dadka aan qoysaskoodu lacagta u soo diri karin waxaa lagu garaaci jiray ulo, waxaana loogu hanjabi jiray hadallo ay ka mid yihiin: “Halkan ayaad ku dhimanaysaan.” Waxaa sidoo kale lagu jirdili jiray koronto. Kaddib waxaa lagu khasbi jiray inay bixiyaan 100,000 oo Birr ama ka badan, iyadoo lacagta lagu shubi jiray bangiyada Itoobiya, loona marin jiray dadkii eedeysanaha la shaqaynayey.

Waxaa kale oo uu dad tiro badan ku ciriirin jiray konteenarro xamuul, tareello iyo baabuur xamuul oo dusha looga daboolay bacaha waaweyn. Wuxuu Nairobi uga sii gudbin jiray Mombasa, kaddibna Tansaaniya, halkaas oo uu kaga tegi jiray kaymo, iyagoo wajahaya khataro aad u daran.

Qaar badan oo dhallinyaradaas ka mid ah ma aysan gaarin Koonfur Afrika. Booliska dalalkii ay sii marayeen ayaa u qabtay gelitaan sharci-darro ah, waxaana qaarkood lagu xukumay xabsi gaaraya saddex sano. Waxaa sidoo kale lagu khasbay inay bixiyaan lacag gaareysa 170,000 oo Birr si dib loogu soo celiyo Itoobiya.

Booliska Federaalka Itoobiya oo kaashanaya Interpol ayaa tan iyo 2022–2023 waday dabagal xooggan oo lagu hayey eedeysanahan. Hawlgalkaas ayaa sababay in Booliska Malawi ay gacanta ku dhigaan ninka, oo lagu eedeeyey falal ka baxsan bani’aadannimada iyo inuu dhallinyaro badan u geystay khasaare dhaqaale. Waxaa Itoobiya lagu wareejiyey 29-kii Luulyo 2026.

Booliska Federaalka Itoobiya wuxuu sheegay inuu sii xoojin doono wada-shaqaynta uu la leeyahay hay’adaha booliska caalamiga ah, si caddaaladda loo hor keeno dadka ku lugta leh dambiyada noocan oo kale ah.

Boolisku wuxuu shacabka ugu baaqay inay sii wadaan bixinta xogaha muhiimka ah, iyagoo adeegsanaya EFPApp, lambarka 991, ama nidaamka SPS.

Xigasho: Booliska Federaalka Itoobiya

COMMENTS