In ka badan 41 kun oo arday oo ka gudbay imtixaanka qaranka Somaliland
August 26, 2026 - Written by maamule

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa shaacisay natiijada imtixaannada shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2025โ€“2026, iyadoo 41,911 arday ay ka gudbeen fasallada 8-aad iyo 4-aad ee dugsiga sare.

Dugsiga sare, 16,051 arday ayaa gudbay, 27 way dhaceen, halka 41 kalena aanay imtixaanka gelin.

Fasalka 8-aad, 26,116 arday ayaa imtixaanka galay, kuwaas oo 25,860 ay gudbeen, halka 256 ay dhaceen. Ardayda imtixaanka gashay waxay ka koobnaayeen 14,407 wiil iyo 11,709 gabdhood.

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in dhammaan ardaydii waxbarashada farsamada gacanta u fadhiisatay imtixaanka ay gudbeen.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland, Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa hambalyeeyey ardayda guulaysatay, waalidiintooda iyo macallimiintii wax baraysay.

COMMENTS