Tirada Shaqaalaha Dawladda JSL 2026 Oo La Shaaciyey In ay Dhan Yihiin 1393
August 30, 2026 - Written by maamule

1,393 Shaqaale Dawladeed oo Hawlgab Noqday iyo Boosaskoodii oo la Buuxinayo

1,393 shaqaale oo ka tirsanaa shaqaalaha dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sannadkan 2026 galay hawlgab, sida ay shaacisay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu.

Boosaska ay banneeyeen shaqaalahaasi ayaa 768 ka mid ahi yihiin darajooyinka A iyo B, halka 625-ka kalena ay yihiin darajooyinka C iyo D.

Hay’addu waxay sheegtay in kaalmaha shaqo ee darajooyinka A iyo B si rasmi ah loo baahin doono 5-ta September 2026, laguna soo xuli doono tartan furan oo daahfuran.

Shaqooyinka darajada A waxaa looga baahan yahay aqoon iyo shahaado jaamacadeed, halka kuwa darajada B looga baahan yahay shahaado dugsi sare.

Kaalmaha shaqo ee darajooyinka C iyo D, oo aan looga baahnayn aqoon ama xirfad gaar ah, waxaa buuxintooda iska kaashan doona Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo hay’adaha iyo wasaaradaha ay ka bannaan yihiin.

Hannaanka shaqaalaysiinta ayaa loo marayaa Xeerka Shaqaalaha Dawladda, Xeer Lr. 97/2022, iyo siyaasadaha iyo habraacyada ka farcama.

COMMENTS