Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland oo Kormeer ku tegay Talisyada iyo Cusbitaalka Ciidanka Ee Burco
September 4, 2026 - Written by maamule

Burco – Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay qaar ka mid ah xarumaha ciidanka ee magaalada Burco, oo uu ka mid yahay Taliska Qaybta 12-aad.

Taliyaha ayaa kulan la yeeshay saraakiisha qaybta, isaga oo ka dhegaystay warbixinno la xidhiidha xaaladda ciidanka iyo hawlaha uu talisku qabto.

Waxa kale oo uu booqday Cusbitaalka Ciidanka Qaranka ee Burco, halkaas oo uu ku soo eegay qaybaha kala duwan iyo adeegyada caafimaad ee la siiyo ciidamada. Waxa uu sheegay in Taliska Guud ay ka goโ€™an tahay horumarinta iyo tayeynta adeegyada caafimaadka ciidanka.

Ugu dambayn, Taliyuhu wuxuu la kulmay Guddida Nabadgelyada Gobolka Togdheer. Kulanka ayaa lagaga hadlay xoojinta amniga iyo adkaynta wada shaqaynta Ciidanka Qaranka iyo hayโ€™adaha kale ee amniga gobolka.

COMMENTS