Wasaaradda Deegaanka oo Maydh ka Bilowday Wacyigelin ku Saabsan Kiimikooyinka Lagu Sifeeyo Dahabka
September 7, 2026 - Written by maamule

Maydh – Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland, gaar ahaan Waaxda Ilaalinta iyo Daryeelka Deegaanka Badda, ayaa degmada Maydh ee gobolka Sanaag ka fulisay hawlo isugu jira wacyigelin iyo xog-ururin.

Hawlgalka ayaa lagu qiimaynayey goobaha xeebta u dhow ee lagu farsameeyo dahabka, iyadoo bulshada ku hawlan shaqadan lagu wacyigeliyey khataraha caafimaad iyo deegaan ee ka dhalan kara kiimikooyinka loo adeegsado sifaynta dahabka.

Wasaaraddu waxay bulshada u sharraxday saamaynta ay kiimikooyinka iyo hadhaaga farsamayntu ku yeelan karaan caafimaadka dadka, noolaha badda iyo guud ahaan deegaanka xeebaha, gaar ahaan marka ay gaadhaan biyaha badda.

Bulshada ayaa lagu boorriyey inay adeegsadaan habab ammaan ah oo deegaanka u wanaagsan, isla markaana si habboon u kaydiyaan una maareeyaan kiimikooyinka si loo yareeyo waxyeellada ka dhalan karta.

COMMENTS