Somaliland iyo Itoobiya oo Iska Kaashanaya La Dagaallanka Dambiyada Duurjoogta
September 7, 2026 - Written by maamule

Hargeysa – Somaliland iyo Itoobiya ayaa xoojinaya iskaashiga lagu ilaalinayo duurjoogta, gaar ahaan ka hortagga ugaadhsiga, ka ganacsiga sharcidarrada ah iyo dambiyada kale ee duurjoogta la xidhiidha ee ka dhaca xuduudaha labada dhinac.

Arrintan ayaa lagaga wada hadlay kulan ay yeesheen masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland iyo wafdi ka socday Dowladda Federaalka Itoobiya oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Ilaalinta Duurjoogta Itoobiya (EWCA).

Kulanka waxaa Somaliland ku metelayey Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Wasiir-ku-xigeenka, Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Waaxda Duurjoogta.

Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu lafoguray sidii loo samayn lahaa wadashaqayn joogto ah oo lagu dhowrayo khayraadka duurjoogta, lagu na xakamaynayo dambiyada xuduudaha isaga gudba.

COMMENTS