Ninkii Daroogadu Dishootay ee Soo-kabashadiisu Tusaalaha u Noqotay Adduunka
September 9, 2026 - Written by maamule

Sawirro muujinaya isbeddel weyn oo ku dhacay nin lagu magacaabo Danny Ellerd, ayaa si ballaadhan ugu faafay baraha bulshada. Sawirka hore wuxuu muujinayaa Danny oo aad u caatoobay, xaaladdiisa nololeed iyo caafimaadna ay liidato; sawirrada kalena waxay muujinayaan isaga oo caafimaad qaba, si rasmi ah u labbisan, waxbarashadiisana horumariyey, isla markaana qoys ah.

Danny Ellerd, oo ah nin ku noolaa magaalada Oklahoma City ee dalka Maraykanka. Wuxuu muddo dheer la tacaalayey qabatinka maandooriyaha iyo hoy la’aanta, ka hor inta aanu helin fursad uu noloshiisa dib ugu dhiso.

Sida ay sheegtay hay’adda Hope Is Alive, Danny wuxuu qabatinka maandooriyaha la noolaa muddo ku dhow 15 sannadood. Intaas gudaheeda, wuxuu la kulmay hoy la’aan, isticmaalka maandooriyaha oo xad-dhaaf ah iyo xaalado caafimaad oo halis geliyey noloshiisa.

Xaaladdiisu waxay gaadhay heer uu ku noolaado dhismayaal laga guuray, teendhooyin iyo meelaha buundooyinka hoostooda ah. Qoyskiisa ayaa mararka qaarkood garan kari waayey muuqaalkiisa, maadaama caafimaadkiisa iyo jidhkiisu aad isu beddeleen.

Maalin ayey ciidanka boolisku ka heleen hoosta buundada waddada I‑40 ee Oklahoma City. Wuxuu xilligaas miisaankiisu ahaa 92 rodol, oo u dhiganta qiyaastii 42 kiiloogaraam. Waxa kale oo gacantiisa ka hayey caabuq halis ah oo lala xidhiidhiyey isticmaalka maandooriyaha lagu duro xididdada.

Boolisku waxay markii hore doonayeen inay xidhaan sababo la xidhiidha amarro qabasho oo hore loogu soo saaray, balse markii ay arkeen xaaladdiisa caafimaad, waxay u qaadeen qaybta gargaarka degdegga ah ee cusbitaalka. Dhakhaatiirtu waxay ku guulaysteen inay badbaadiyaan noloshiisa iyo gacantiisa.

Markii cusbitaalka laga saaray, Danny wuxuu ku biiray barnaamijka soo-kabashada ee Hope Is Alive isaga oo watay oo keliya bac ay ku jireen dharkiisu.

Soo-kabashadiisu may ahayn mid fudud ama degdeg ku dhacday. Waxay u baahnayd in uu maalin kasta qaato go’aanno cusub, ka fogaado maandooriyaha, aqbalo taageerada loo fidinayo, isla markaana dib u dhiso kalsoonidii iyo xidhiidhkii uu bulshada la lahaa.

Taageerada uu ka helay barnaamijka iyo dadka ku hareeraysnaa ayaa ka caawisay in uu si tartiib ah uga baxo xaaladdii adkayd, un a bilaabo nolol deggan oo ku dhisan caafimaad, masuuliyad iyo yool cusub.

Danny wuxuu markii dambe waxbarasho ka bilaabay Oklahoma State University–Oklahoma City, halkaas oo uu ku bartay nidaamyada macluumaadka kombiyuutarka.

Warbixinnada laga qoray waxay sheegayaan inuu waxbarashada ku dhammeeyey celcelis dhibcood oo 4.0 ah, isla markaana qaatay laba shahaado oo heerka associate degree ah. Waxa kale oo lagu soo warramay in sannadkii 2025 lagu maamuusay abaalmarin waxbarasho oo lagu aqoonsaday dedaalkiisa waxbarasho iyo kaalinta uu bulshada ka qaatay.

Jaamacadda OSU–OKC waxay leedahay xarun lagu magacaabo Center for Social Innovation, oo taageerta dadka ka soo gudbaya duruufo adag sida hoy la’aanta, xadhigga, qabatinka maandooriyaha iyo dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda. Xaruntu waxay ka caawisaa ka qaybgalayaasha waxbarashada, tababarka shaqo iyo dib ula qabsiga bulshada.

Kadib sookabashadiisa iyo waxbarashadiisa, Danny wuxuu bilaabay in uu taageero dadka la nool duruufo la mid ah kuwii uu kasoo gudbay.

Warbixinnadu waxay sheegayaan in uu la shaqeeyey dadka hoy la’aanta ah, isla markaana uu hagid iyo taageero siiyo nimanka ka soo kabanaya qabatinka maandooriyaha. Waxa kale oo uu qoray buug uu kaga warramayo safarkiisa, kaas oo lagu magacaabo Recovery Is Possible—“Soo-kabashadu Waa Suurtagal.”

Ujeeddadiisu waa inuu waaya-aragnimadiisa u adeegsado dhiirrigelinta dadka weli la dagaallamaya qabatinka, una muujiyo in qofku aanu ku khasbanayn inuu weligiis ku xayirnaado xaaladdiisii hore.

Sawirka bidix ee muujinaya Danny oo aad u caatoobay waxaa lagu daabacay qoraallo iyo muuqaallo ka warramaya safarkiisa soo-kabashada. Sawirrada dambe waxay muujinayaan isbeddelka caafimaad, waxbarasho iyo nololeed ee ku dhacay.

Sheekada Danny Ellerd waa tusaale muujinaya in qofku ka soo kaban karo xaalado aad u adag marka uu helo go’aan, taageero iyo fursad uu dib ugu bilaabo noloshiisa.

Ninkii mar laga helay buundo hoosteeda isaga oo caafimaadkiisu liito ayaa markii dambe noqday qof waxbarashadiisa guul ka gaadhay, qoys iyo nolol cusubna dhistay, maanta na taageera dadka weli ku jira xaaladihii uu kasoo gudbay.

Xigashooyin:
Hope Is Alive – Sheekada Danny Ellerd; Oklahoma State University–Oklahoma City; Center for Social Innovation – LinkedIn; Times Now World; Tuko News

COMMENTS