Booliska Somaliland oo Xidhay Weriye Xasan Gallaydh
September 10, 2026 - Written by maamule

Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen weriye Xasan Saleebaan Haaruun (Gallaydh), kaas oo lagu eedeeyey in uu warbaahinta ku faafiyey warar been-abuur ah.

Booliska ayaa sheegay in eedaysanaha wax laga weydiiyey wararka loo haysto, bal se aanu soo bandhigin caddaymo taageeraya sheegashooyinkiisa.

Sida lagu sheegay warka booliska, eedaysanaha waxaa loo gudbin doonaa hayโ€™adaha sharciga si loo dhamaystiro habraaca garsoorka. Eedaha loo haysto weli maxkamadi kama soo saarin xukun.

COMMENTS