Booliska Somaliland oo Tallaabo Ka Qaaday Askari Muuqaal Ka Duubay Maxbuus
September 10, 2026 - Written by maamule

Burco – Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay inuu tallaabo degdeg ah ka qaaday askari muuqaal ka duubay maxbuus ku sugnaa Saldhigga Dhexe ee magaalada Burco.

Taliska ayaa falkaas ku tilmaamay mid ka baxsan anshaxa iyo nidaamka ciidannimo, isla markaana meel ka dhac ku ah dhowrista sharafta iyo xuquuqda maxaabiista.

Boolisku wuxuu caddeeyey in waajibaadkiisu yahay ilaalinta nafta, sharafta, hantida iyo xuquuqda muwaadiniinta, isaga oo sheegay inaan loo dulqaadan doonin fal kasta oo dhaawacaya kalsoonida bulshada iyo sumcadda ciidanka.

COMMENTS