Maryan Xuseen oo ka fikiraysa inay siyaasadda sare ka baxdo kaddib nacayb iyo hanjabaado loo geystay
September 16, 2026 - Written by maamule
Oslo — Maryan Huseen oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Norway, isla markaana guddoomiye-ku-xigeen ka ah xisbiga SV, ayaa sheegtay inay ka fikirayso mustaqbalkeeda siyaasadeed, kaddib markii ay muddo la kulmaysay aflagaado, nacayb iyo hanjabaado la xidhiidha asalkeeda Soomaalinimo, diinteeda iyo kaalinteeda siyaasadeed.
Wareysi ay siisay warbaahinta qaranka Norway ee NRK, Marian ayaa ka warrantay culayska nafsadeed iyo midka siyaasadeed ee ay ku yeesheen farriimaha naceybka leh ee loo soo diro iyo faallooyinka lagu qoro baraha bulshada. Waxay sheegtay in marar badan loo sheego inaan dadka iyada oo kale ahi xaq u lahayn inay Norway joogaan ama ay noqdaan wakiillo ay shacabku soo doorteen.
Maryan Huseenn ayaa tilmaantay in xaaladdani saamayn ku yeelatay sida ay uga qaybqaadato doodaha dadweynaha. Waxay sheegtay inay diidday ka qaybgalka doodo dhowr ah, sababtoo ah qiimaha shakhsiyeed iyo culayska ka dhasha muuqaalka siyaasadeed ay mararka qaarkood ku adkaadeen. Sida ay sheegtay, nacaybka joogtada ahi wuxuu ka hor istaagay inay noqoto siyaasigii geesinimada iyo firfircoonida badnaa ee ay markii hore doonaysay inay noqoto.
Waxay siyaasadda u soo gashay inay cod iyo matalaad siiso haweenka laga tirada badan yahay, qaxootiga iyo qaybaha bulshada ee aan codkooda si weyn looga maqal fagaarayaasha siyaasadda. Waxay doonaysay inay tusaale u noqoto carruurta qoysaska soo-galootiga ah, una muujiso inay wax baran karaan, horumar samayn karaan, kana qaybqaadan karaan hoggaaminta dalka.
Hase yeeshee, Maryan waxay sheegtay in waayo-aragnimada ay kala kulantay nacaybka iyo aflagaadadu ay gaadhay heer aanay maanta gabadh ay eeddo u tahay kula talin lahayn inay siyaasadda gasho. Waxay arrintan ku tilmaantay xaalad halis ku ah ka qaybgalka dimuqraadiyadda, gaar ahaan dadka leh asal, midab ama diin ka duwan inta badan bulshada Norway.
Maryan Huseen ayaa sidoo kale sheegtay inay qarin jirtay qaar ka mid ah faallooyinka naceybka leh markii ay ogaatay in carruurta qoyskeedu akhrisanayaan. Waxay doonaysay inay carruurtu sii haystaan rajada ah inay bulshada door muuqda ka qaadan karaan, halkii ay ka niyad-jabi lahaayeen aflagaadooyinka loo jeediyo dadka iyaga la midka ah.
Maryan Huseen waxay Baarlamaanka Norway ku biirtay sannadkii 2021, halka sannadkii 2023 loo doortay guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga SV. Waxay ka mid tahay siyaasiyiinta heer qaran ee Norway ee leh asal aan Noorwiiji ahayn, waxaana soo bixitaankeedu dhiirrigelin u noqday dad badan oo ka soo jeeda bulshooyinka laga tirada badan yahay.
Wareysiga NRK waxaa sidoo kale lagu soo qaaday su’aasha ah inay mar kale isu soo taagayso xilka guddoomiye-ku-xigeenka SV. Marian waxay sheegtay inaanay weli go’aan gaadhin. Xisbiga SV ayaa la filayaa inuu shirweynihiisa qabsado bisha Maarso, waxaana Marian laga sugayaa inay guddida doorashada xisbiga u sheegto go’aankeeda.
Qisada Maryan Huseen waxay dib u soo noolaysay doodda ku saabsan dhibaatada ay nacaybka, takoorka iyo hanjabaaduhu ku hayaan dimuqraadiyadda Norway. Marka siyaasiyiinta ka soo jeeda bulshooyinka laga tirada badan yahay laga cabsi geliyo inay doodaha ka qaybqaataan ama xilalka ka sii mid ahaadaan, dhibaatadu ku ma koobna qofka la beegsanayo oo keliya; waxay saamayn ku yeelanaysaa matalaadda bulshada iyo xorriyadda ka qaybgalka siyaasadda. Xigasho: NRK