Madaxweyne Cirro Oo Washington Kula Kulmay Machadka Atlantic Council iyo Hay’adda Foundation for Defense of Democracies (FDD)
September 17, 2026 - Written by maamule
Washington — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”, ayaa magaalada Washington, D.C., kulamo kula yeeshay masuuliyiin iyo khubaro sare oo ka tirsan xarumaha Atlantic Council iyo Foundation for Defense of Democracies (FDD), kuwaas oo lagaga wada hadlay danaha istiraatiijiga ah ee Somaliland iyo Maraykanka.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in kulamada diiradda lagu saaray amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, xasilloonida Geeska Afrika, ilaalinta marin-biyoodyada muhiimka u ah ganacsiga caalamiga ah iyo sidii loo dhisi lahaa iskaashi qoto dheer oo waara oo dhex mara Somaliland iyo Maraykanka.
Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiinta iyo khubarada uu la kulmay u sharraxay horumarka dhinacyada dawlad-dhiska iyo dimuqraadiyadda ee ay Somaliland samaysay muddada ka badan 33-ka sannadood. Waxa uu xusay in Somaliland ay hirgelisay doorashooyin xor ah iyo kala-guur siyaasadeed oo nabdoon.
Waxa uu tilmaamay in waayo-aragnimada Somaliland ay muujinayso in dimuqraadiyadda, dawladnimada iyo xasilloonidu yihiin tiirar isku xidhan oo muhiim u ah nabadda iyo horumarka gobolka.
Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale kulamada ku soo bandhigay muhiimadda istiraatiijiga ah ee Somaliland iyo Dekedda Berbera, isaga oo sheegay in dekeddu ku taallo meel u dhow mid ka mid ah marin-biyoodyada ugu muhiimsan dunida.
Waxa uu caddeeyey in Somaliland ay diyaar u tahay inay Maraykanka iyo saaxiibbadiisa kala shaqayso amniga badda, xasilloonida gobolka, ganacsiga iyo maalgashiga.
“Waxaan nahay dal dimuqraadi ah, xasilloon oo leh hay’ado shaqaynaya, kuna yaalla goob istiraatiiji ah; waxaanan diyaar u nahay iskaashi ku dhisan kalsooni, dano wadaag iyo mas’uuliyad wadajir ah,” ayuu Madaxweyne Cirro ku sheegay qoraal lagu baahiyey bogga Facebook-ga ee Madaxtooyada Somaliland.
Madaxweyne Cirro ayaa haatan socdaal shaqo ku jooga magaalada Washington ee dalka Maraykanka.