๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š JSL O๐จ ๐–๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ง๐ ๐ญ๐จ๐ง ๐ƒ.๐‚ ๐๐š๐๐จs๐ก๐š๐ซ๐š๐Ÿ K๐ฎ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐ง๐ญ๐ž๐ซ๐ง๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง๐š๐ฅ ๐‚๐จ๐ง๐ฌ๐ž๐ซ๐ฏ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐‚๐š๐ฎ๐œ๐ฎ๐ฌ ๐…๐จ๐ฎ๐ง๐๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง
September 18, 2026 - Written by maamule

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka qayb-galay Qado-Sharaf ay isaga iyo weftigiisa ku maamuuseen Hayโ€™adda International Conservation Caucus Foundation (ICCF), oo uu fadhigeedu yahay Washington, D.C.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, deegaanka iyo badaha, iyo fursadaha iskaashi ee Somaliland iyo Hayโ€™adaha dalka Maraykanka ee ka shaqeeya arrimaha ilaalinta deegaanka iyo horumarka faa’iido u leh aadamaha.

Hayโ€™adda International Conservation Caucus Foundation (ICCF) waa Hayโ€™ad madaxbannaan oo uu fadhigeedu yahay Washington, D.C., kana shaqaysa arrimaha ilaalinta deegaanka, khayraadka dabiiciga ah, duurjoogta, badaha iyo horumar aayatiin leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si mug leh ugu mahad naqay martiqaadka iyo soo-dhoweynta diirran ee ay u fidisay Hayโ€™adda International Conservation Caucus Foundation (ICCF), isaga oo adkeeyey in ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo horumarinta dhaqaale waara ay yihiin tiirar muhiim u ah mustaqbalka Somaliland, isaga oo muujiyey in iskaashi caalami ahi uu door weyn ka qaadan karo kobcinta khayraadka, ilaalinta deegaanka iyo abuurista fursado dhaqaale oo waara.

Qado-Sharaftani waxa ay qayb ka tahay dedaallada diblomaasiyadeed ee is-daba-joogga ah ee Madaxweynaha iyo weftiga ballaadhan ee uu hoggaaminayo ay ka wadaan Washington, D.C., si loo ballaadhiyo iskaashiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maraykanka, loona dhiso xidhiidho ku salaysan dano-wadaag, ilaalin khayraadka dabiiciga ah iyo aragti fog oo istaraatiiji ah.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡; ๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ); ๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

COMMENTS