๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐š๐ข๐ฐ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐Š๐š ๐–๐š๐๐š ๐‡๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ญ๐š๐š๐ง๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐‹๐š๐›๐š๐๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐จ๐จ๐ ๐ž๐ž ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š
September 22, 2026 - Written by maamule

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL, Cabdalle Maxamed Carab, iyo dhiggiisa Taiwan, Liu Shyh-fang, ayaa ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dal iyo mataanaynta wasaaradaha arrimaha gudaha ee Somaliland iyo Taiwan.

Kulankan ayaa qayb ka ahaa safar shaqo oo Wasiir Cabdalle Maxamed Carab iyo wefti uu hoggaaminayey ku joogeen Taiwan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL ayaa dhiggiisa Taiwan uga warramay shaqada Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, waajibaadka ay qaranka u hayso iyo muhiimadda ay u leedahay sugidda amniga iyo maamulka gudaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Taiwan iyo masuuliyiintii kulanka ku wehelisay ayaa Wasiirka uga mahadnaqay xogta uu la wadaagay. Waxa kale oo ay bogaadiyeen saaxiibtinimada iyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan.

COMMENTS