๐Œ๐ฎโ€™๐š๐๐ข๐ง๐ค๐ข๐ข ๐Œ๐š๐ฌ๐ฃ๐ข๐๐ค๐š ๐—๐š๐ซ๐š๐ฆ๐ค๐š ๐’๐ก๐ž๐ž๐ค๐ก ๐ˆ๐›๐ซ๐š๐š๐ก๐ข๐ฆ ๐€๐ฅโ€‘๐Œ๐š๐๐š๐ง๐ข ๐จ๐จ ๐†๐ž๐ž๐ซ๐ข๐ฒ๐จ๐จ๐๐ž๐ฒ
September 22, 2026 - Written by maamule

Alle ha u naxariistee, Sheekh Ibraahim bin Caadil Alโ€‘Madani oo ka mid ahaa muโ€™adiniinta Masjidka Xaramka ayaa geeriyoodey Isniintii, 21 Sebtembar 2026, isagoo 51 jir ah.

Sheekh Ibraahim Alโ€‘Madani wuxuu ka mid ahaa 24-ka muโ€™adin ee joogtada ah ee Masjidka Xaramka, waxaana si gaar ah loogu yaqaanay adinka salaadda subax iyo takbiirta ciidaha. Waxa kale oo uu qabtay hawsha gaadhsiinta takbiirta imaamka jamaacadda ku tukanaysa Masjidka Xaramka.

Sheekhu wuxuu adinka bilaabay isagoo 15 jir ah, xilligaas oo uu ka adimi jirey masaajid ku yaalla xaafaddiisa Madiina. Sannadkii 1439 Hijriyada, oo ku beegnaa 2018, ayuu ku biiray muโ€™adiniinta Masjidka Xaramka.

Codkiisu wuxuu sannado badan ku baaqayey salaadda iyo cibaadada, waxaanu raad weyn kaga tegey quluubta muslimiinta dhegaysan jirey adinkiisa. Alle ha u naxariisto, qabrigiisana ha u nuuro.

COMMENTS