Madaxweynaha Somaliland oo New York kula Kulmay Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay
September 23, 2026 - Written by maamule

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magaalada New York kulan muhiim ah oo taariikhi ah kula yeeshay Danjiraha Dalka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Mudane Ambassador Danny Danon. Kulanka ayaa dhacay xilli Madaxweynaha JSL iyo weftiga uu hoggaaminayo ay safar shaqo ku joogaan New York, halkaas oo ay ka wadaan kulammo iyo dedaallo diblomaasiyadeed oo ku xeeran kalfadhiga 81-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Kulanka Madaxweynaha iyo Danjiraha Israa’iil ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka istiraatijiga ah ee Somaliland iyo Israa’iil iyo horumarinta iskaashiga labada dhinac.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa Dawladda iyo Shacabka reer Israa’iil si mug leh uga mahadceliyey tallaabadii geesinnimada iyo ku dhiirranaanta lahayd ee Dawladda Israa’iil ay si rasmi ah Somaliland ugu aqoonsatay dal madax-bannaan 26-kii Diseembar 2025.

Madaxweynuhu waxa uu adkeeyey muhiimadda uu Jamhuuriyadda Somaliland u leeyahay xidhiidhka cusub ee ay la leedahay Dawladda Israa’iil. Waxa uu xusay in aqoonsigii ay Israa’iil siisay Somaliland uu noqday bog cusub oo taariikhi ah oo ka furmay geeddi-socodka diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhankiisa, Danjiraha Dawladda Israa’iil ee Qaramada Midoobay, Ambassador Danny Danon, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay la kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee magaalada New York. Waxa uu xaqiijiyey in Dawladda Israa’iil ay aad u qiimaynayso xidhiidhka sii kobcaya ee u dhexeeya labada dal, isla markaana ay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga dhinacyada danaha guud, gaar ahaan amniga iyo xasilloonida gobolka, ilaalinta xorriyadda maraakiibta iyo ganacsiga badda, horumarinta dhaqaalaha, tiknoolajiyadda, biyaha, beeraha iyo maalgashiga.

Sidaas waxa sheegay Xuseen Aadan Cige (Deyr), Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,

COMMENTS