Somaliland iyo Taiwan Oo Ka Wada Hadlay Ballaadhinta Iskaashiga Iyo Xsku xidhka Hay’adahooda
September 24, 2026 - Written by maamule

Taipei – Wasiirka Arrimaha Dibedda Taiwan, Lin Chia-lung, ayaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, iyo wefti uu hoggaaminayo. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada dhinac, loona abuuri lahaa wada shaqayn toos ah oo dhexmarta hay’adahooda.

Weftiga Somaliland waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, iyo Taliyaha Ciidanka Dab-demiska, Sarreeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili).

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay ballaadhinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo ka shaqaynta danaha ay wadaagaan. Kulankani wuxuu qayb ka yahay xidhiidhka iyo iskaashiga sii kordhaya ee Somaliland iyo Taiwan.

COMMENTS