Gobolka Hawd Ee JSL Oo Laga Sameeyay Wacyigelin La Xidhiidha Joojinta Xaalufka Deegaanka
October 6, 2026 - Written by maamule

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland, Badhasaabka Gobolka Hawd iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka, ahna Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa maanta Gobolka Hawd ka sameeyay wacyigelin ballaadhan oo ku saabsan ilaalinta deegaanka iyo ka hortagga xaalufka dhirta.

Wacyigelinta ayaa diiradda lagu saaray waxyeellada wax-soo-saarka dhuxusha, muhiimadda dhowrista khayraadka dabiiciga ah iyo ilaalinta dhul-daaqsimeedka.

Masuuliyiintu waxay bulshada ugu baaqeen inay kaalin firfircoon ka qaataan badbaadinta deegaanka, isla markaana la shaqeeyaan hayโ€™adaha ay khusayso si loo joojiyo falalka waxyeellaynaya dhirta iyo daaqa.

COMMENTS