Ciidanka Booliska JSL oo Dabo-gorayaale ku qabtay 340 litir oo khamri ah
October 9, 2026 - Written by maamule

Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ee Hoggaanka Ilaalinta Cashuuraha, ayaa magaalada Dabogorayaale ku qabtay 340 litir oo khamri ah, oo lagu siday gaadhi noociisu yahay Land Cruiser.

Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ciidankii fuliyay hawlgalkaas, waxaana lagu abaalmarin doonaa dedaalkooda iyo hawlkarnimadooda.

Ciidanka Booliska JSL waxa uu sii wadi doonaa hawlgallada lagula dagaallamayo khamriga iyo maandooriyeyaasha kale, si loo ilaaliyo amniga iyo badqabka bulshada.

COMMENTS