Guddoomiyaha Maroodijeex Oo Bulshada Ugu Baaqay Taxaddar Xilli La Saadaalinayo Roobab Xooggan
October 10, 2026 - Written by maamule

Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Prof. Axmed Maxamed Cadaad, ayaa sheegay in roobabkii gobolka ka da’ay 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey aanay geysan wax khasaare ah. Waxa uu bulshada uga digay khataraha roobabka xooggan, dabaylaha iyo duufaannada la saadaalinayo.

Guddoomiyuhu waxa uu dadweynaha ku booriyey inay ka fogaadaan dooxyada, biyo-mareennada, guryaha jilicsan, geedaha waaweyn iyo tiirarka laydhka. Waxa kale oo uu ku baaqay iskaashi gurmad iyo samatabixin, isaga oo bulshada ku dhiirrigeliyey inay biyaha roobka kaydsadaan, kana faa’iidaystaan dhinaca beeraha iyo wax soo saarka.

COMMENTS