Somaliland iyo Itoobiya Oo Hargeysa Kaga Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Difaaca iyo Amniga Gobolka
October 14, 2026 - Written by maamule

Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland, Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa kulan la yeeshay wefti diblomaasiyadeed oo Itoobiya ka socda, kaas oo lagaga wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo wax ka qabashada caqabadaha amni ee gobolka.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka ee Hargeysa, waxa ka qayb galay Danjire Teshome, Qunsulka Guud ee Itoobiya ee Somaliland iyo u-qaybsanaha difaaca ee safaaradda Itoobiya.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xidhiidhka labada ciidan, iskaashiga amniga iyo xaaladaha gobolka. Danjire Teshome ayaa taliyaha uga warramay xaaladihii ugu dambeeyey iyo horumarrada ka socda gobolka.

Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa xaqiijiyey inay Somaliland ka goโ€™an tahay xoojinta iskaashiga labada ciidan, si loo taageero nabadda iyo xasilloonida gobolka.

COMMENTS