Dab Khasaare Geystay oo ka Kacay Doon Ku Sugnayd Aagga Dekedda Berbera
November 4, 2026 - Written by maamule

Dab xalay ka kacay doonida Ali Murtaza oo ku sugnayd aagga barroosinka Dekedda Berbera ayaa khasaare gaadhsiiyey doonta iyo qayb ka mid ah hantidii saarnayd, sida ay sheegtay Hay’adda Dekedaha Somaliland.

Dabka ayaa ka bilaabmay qaybta hoose ee doonta, oo aagga barroosinka dekedda soo gaadhay 28-kii October 2026.

Hawlgal gurmad oo ay iska kaashadeen Hay’adda Dekedaha Somaliland, Ciidanka Dab-damiska, Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Booliska ayaa lagu badbaadiyey qayb ka mid ah alaabtii iyo gaadiidkii saarnaa doonta.

Hay’addu ma sheegin sababta dabka dhalisay, baaxadda khasaaraha ama in waxyeello dad soo gaadhay.

Waxay ganacsatada iyo milkiilayaasha doonyaha ku boorrisay inay ilaaliyaan habraacyada badbaadada, gaar ahaan marka la rarayo ama la kaydinayo kiimikooyinka iyo badeecadaha dabka keeni kara.

Hay’adda Dekedaha Somaliland ayaa u mahadnaqday hay’adihii gurmadka ka qayb qaatay, waxaanay ganacsatadii khasaaruhu soo gaadhay Alle uga bariday inuu ugu beddelo khayr.

COMMENTS