Madaxweynaha Somaliland oo Bilad Geesi iyo Dallacaad ku Maamuusay Sarkaal Caddaaladda ka Doortay Aargoosiga
November 9, 2026 - Written by maamule

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa bogaadiyey geesinimada iyo masuuliyadda uu muujiyey Sarkaal Axmed Geeddi Maxamed, oo gacanta ku soo dhigay eedaysanaha dilka walaalkii, una gudbiyey hayโ€™adaha sharciga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sarkaalka la guddoonsiiyey Bilad Geesi, darajo ciidanina loo dallacsiiyey, isagoo qoraalkiisa ku yidhi:

“Geesinimada ugu weyni waa in qofku naftiisa xakameeyo xilliga ugu adag. Sarkaal Axmed Geeddi Maxamed, isaga oo walaalkii la dilay, haddana eedaysanihii gacanta ku soo dhigay sharcigana hor keenay, wuxuu aargoosiga ka doortay caddaaladda, kana hormariyey dantiisa gaarka ah sarreynta sharciga iyo kala dambaynta Qaranka.
Geesinimada iyo masuuliyadda uu muujiyey awgeed, Qaranku waxa uu Sarkaal Axmed Geeddi Maxamed guddoonsiiyey Bilad Geesi, darajo ciidanina dallacsiiyey, si uu tusaale ugu noqdo dhammaan Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.”

COMMENTS